Xarrakada Al-shabaab oo nin dhalinyarro ah ku toogatay gobolka Shabeellaha dhexe

by admin | Tuesday, Dec 23, 2014

Shabeellaha dhexe : HN :–Nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Daa’uud Maxamed Xasan ayaa shalay gelinkii dambe lagu dilay tuulada Biyo -cadde oo 40 km u jirta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qof goob jooge ahaa ayaa warbaahinta u sheegay in  xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay  goob fagaare ah isugu keeneen dadka tuulada, halkaasoo ay ku dileen marxuumka oo ay ku eedeeyeen in uu la shaqeynayay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxaa tilmaamay in marxuumku uu ka mid ahaa dadka deegaanka, islamarkaana uusan ka war hayn inuu la shaqeynal-shabaab_somalia1 jiray dowladda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ka talisa tuulada Biyo-cadde iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidda oo kale Al-shabaab toogasho ku dillaan dad ay ku eedeeyeen in ay basaas u yihiin ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!