Xarrakada Al-shabaab oo saacadihii ugu danbeeyay dilal qorsheysan ka fulisay Muqdisho

by admin | Wednesday, Nov 12, 2014

Muqdisho : HN :–Xoogagga Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada  dilal saraakiil ka tirsan dowladda Somalia saakay iyo shalay loogu kala geystay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

War lagu daabacay warbaahinta taageerta Al-shabaab ayay ku sheegteen in ay mas’uul ka yihiin dilalka sarkaalka waaxda socdaalka ee garoonka Aadan Cadde ka tirsanaa oo shalay lagu dilay isgoyska KM-4 iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Holwadaag, Yuusuf Nuur Maxamed oo isna saakay lagu dilay degmada Wadajir.

“Annaga ayaa mas’uul ka ah dilka mas’uulkii waaxda socdaalka garoonka , Maxamuud Cabdi Cadoow (Dhabarey) iyo Yuusuf Nuural-shabaab_somalia1 Maxamed oo ka mid ahaa guddoomiyeyaasha Muqdisho,” ayuu yiri sarkaal sare oo kooxda u hadlay.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa ku sheegay in dilalkan ay qayb ka yihiin ugaarsi ay ku hayaan mas’uuliyiinta dowladda, isagoo intaas ku daray inay mas’uul ka yihiin weerarkii shalay lagu qaaday xildhibaan Dalxa, kaasoo lagu dilay darawalkiisii iyo ruux ilaalo u ahaa.

“Mujaahidiintu waxay ku guuleysteen inay Muqdisho ku dilaan rag ay soo tababareen sirdoonka caalamka, waana sii wadaynaa dagaalkaas,” ayuu ku daray hadalkiisa Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.

Hadalka Al-shabaab ay ku sheegatay mas’uuliyadda dilalkii iyo weerarradii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa kusoo beegmaya iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay dhowr qof oo ay ku jiraan laba gabdhood oo arday ah siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!