Xarrakada Al-shabaab oo shaacisay in Sakariye Ismaaciil uu labo sano ka hor ka goostay

by admin | Sunday, Dec 28, 2014

Muqdisho : HN :–Xarrakada Al-shabaab oo ka hadashay is dhiibistii sarkaal sare oo ka tirsnaa oo lagu magacaabo Sakariye Ismaaciil, ayaa waxaa ay sheegtay in sarkaalkaas uu kooxda ka baxay ama ka goostay muddoo hadda laga joogo labo sano ka hor.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Sakariye aanu safka Mujaahidiinta aanu ku jirin, isla markaana muddo ku dhow 19 bilood uu ka goostay, waxaana intaa lagu daray in horay uu ugu biiray dowladda Soomaaliya, isla markaana ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegay in muddo sanado ah uu ka tirsanaa Sakariye, balse labo sano ka hor uu ku biirayAl_Shabab_Milatent_Somalia dowladda, isagoo u safri jiray magaalooyinka dalka iyo dalka Qadar sida lagu sheegay war laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qoray boggaha internet ee taageera Al-Shabaab.

Zakariye Ismaaciil oo madaxiisa uu saarnaa lacag dhan 3-milyan oo doollar cidii keenta macluumaad ku saabsan soo qabashadiisa ayaa waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ay is khilaafeen hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab, isla markaana ka soo baxsaday.

Al-Shabaab ayaa sheegay in sababta hada loo shaaciyay warkiisa ay tahay labo arrimood oo ah in warbaahinta iyo ra’yul caalamka indhaha looga leexiyo weerarkii labo maalmood ka hor lagu qaaday Xerada Xalane iyo in Sakariye qudhiisa laga dhameystay muhiimadii laga lahaa, isla markaana wixii uu ugu biiray dowladda uu ku fashilmay waa sida lagu qoray boggaha Internet ee taageera Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee is dhiibida hogaamiyahan ama in dowladda Soomaaliya qabatay ayaa noqoneysa mid ka mid ah 7-dii hogaamiye ee uu horay Mareykanka mallaayiin doollar ah madaxooda saaray cidii keenta macluumaad lagu soo qaban karo sanadkii 2012.

 Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!