Xarrakada Al-shabaab oo sheegatay weerarkii lagu dillay dadka rayidka ah W/bari Kenya

by admin | Saturday, Nov 22, 2014

Mandhera : HN :–War saxaafadeed ka baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in xoogagga Al-shabaab ka danbeeyeen weerar lagu bartilmameedsaday dad rayid ahaa oo la socday Bas ku sii jeeday magaalada Nairobi.

Sarkaal u hadlay Ururka Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in ilaa 28 ruux weerarkaas lagu dilay, iyadoo ahaa kii ugu qasaaraha badnaa oo ka dhaca gobolka waqooyi Bari Kenya, waxaana gaariga baska dadka saaran u badnaa macalimiin wax ka dhiga Iskuulo ku yaal Nairobi.

Booliska ayaa sheegay in weerarkan ay fuliyeen kooxo ku dhow sodomeeyo hubeysan oo hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaasoo dadkii saarnaa gaariga ay kala sooceen dadka muslimka ah iyo kuwa aan muslimka aheyn, iyadoo dadka qaar weydiinayay aayado qur’aan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhamaan dadka la dilay ay ahaayeen kuwo aan muslimka aheyn sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsanCali Sheydaan Booliska Kenya oo magaciisa ka gaabsaday.

Ciidamo fara badan ayaa la soo dhoobay halka weerarka uu ka dhacay oo ah meel 15-KM u jirta Magaalada Mandhera, iyadoo ciidamadan ay baadigoob ugu jiraan dableydii hubeysneyd ee weerarka geysatay.

Ma ahan markii u horeysay ee Al-Shabaab ay sheegato weeraro ka dhacay gudaha Kenya, iyadoo bishii June ee sanadkan weeraro ka dhacay Gobolka Xeebta lagu dilay dad ku dhow boqol ruux.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!