Xarrakada Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyada madaafiic lagu weeraray xarunta madaxtooyada

by admin | Thursday, Feb 26, 2015

Al-shabaab_oo_Qaraxyo_SheegatayMuqdisho : HN :– Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay ka danbeysay weerar duhurnimadii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo la sheegay in ay qaarkood ku dhaceen gudaha xarunta madaxtooyada.

Madaxa howl-gallada Al-shabaab C/siis Abuu-muscab ayaa sheegay in ay weerarkaas iyaga ka danbeeyeen, islamarkaana khasaare xoog leh gaarsiiyeen xarunta madaxtooyada iyo agab kala duwan oo yiilay.

Ciidamada amniga ayaa xiray waddooyinka laga galo xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo dadka u diidaya inay gudaha u galaan madaxtooyada iyo guryaha ku dhow.

“Ugu yaraan afar madfac ayaa kusoo dhacay goob gaadiidka la dhigto oo ku taalla gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku geeriyooday ruux ilaalo ahaa oo halkaas ku sugnaa,” ayuu AFP u sheegay C/raxmaan Maxamed oo ka mid ah saraakiisha amniga Soomaaliya.

Weerarka lagu qaaday xarunta madaxtooyada ayaa imanaya xili Jimcihii aynu soo dhaafnay qarax dhimasho badan sababay uu ka dhacay hotelka Central.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!