Xarrakada Al-shabaab oo sheegtay saldhig ku yaalla dulleedka Baydhabo

by admin | Friday, Jan 2, 2015

Baydhabo : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya subaxnimadii hore ee saakay xoogag ka trisan Xarakada Al-shabaab weerareen xero ay leeyahiin ciidamada dowladda duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Xerada la weeraray ayaa ku taalla halka loo yaqaanno Isku-darka oo 5-km u jirta degmada Baydhabo, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray labadii dhinac.

Weerarka iyo khasaarihii ka dhashay ayuu waxaa warbaahinta uga waramay abaandulaha xerada Dhaayoow Maxamedal-shabaab_somalia1 Isaaq  oo sheegay in dhinacooda shan askari, ayna ka dhaawac-meen toddoba kale.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhinica Al-shabaab ay ka dileen toddoba ruux ayna ka dhaawaceen lix kale. Waxaana dhaawacyada askarta dowladda lasoo gaarsiiyay isla saakay isbitaalka magaalada Baydhabo.

Weerarkan ayaa imanaaya iyadoo saddex maalmood ka hor ay sidan oo kale Al-shabaab u weerartay saldhigga koowaad ee ciidamada xoogga oo ku taalla deegaanka Daynuunaay ee duleedka Muqdisho, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Ugu dambeyn, magaalada Baydhabo ayaa waxaa si aad ah looga hadal-hayaa maanta weerarka ay Al-shabaab ku qaadday xerada isku-darka ee ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen duleedka Baydhabo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!