Xarrakada Al-shabaab oo soo bandhigtay bur burka diyaarad nooca Drone’s ka ah

by admin | Saturday, Jun 6, 2015

Diinsoor : HN :–Wararka naga soo gaaraya degmada Diinsoor ee gobolka Baay aya sheegay in maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab halkaa ku soo bandhigeen qeyb ka mid ah bur burka diyaar nooca wax basaaso ah ee loo yaqaan Drone’ska.

Burburka diyaaraddan oo ay ka muuqdeen Kaamirooyinka wax Duuba ayaa Gaari dushiisa ay ku xirnayd, iyadoo markii dambe dhulka loosoo dajiyay, si ay u dadku ku nool Diinsoor u daawadaan, iyadoo la isugu yeeray inay fagaarahaas yimaadaan.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaan sheegin dalka laga lahaa diyaaraddan ay soo bandhigeen burburkeena, laakiinse waxaydr Tilmaameen inay tahay kuwa Cadawga ee Wax-ka-basaasa Deegaannada ay ka Taliyaan.

Lama oga dalka laga lahaa, waxaana badanaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn isticmaala Dowladda Mareykanka, iyadoo Labarka diyaaradan ku qornaa uu ahaa 390.

Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ayaa horay waxaa loogu deeqay Diyaarado Drones ah oo ah kuwa laga Dhex-hago Gaadiidka Qufulan ee ay Ciidamada, kuwaasoo ay u Adeegsan jireen howlgallo sahan iyo basaas ah, xilliyada ay weerarada Qaadayaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!