Xarrakada Al-shabaab oo toogasho ku dishay afar ruux oo ay ku eedeeyeen basaasnimo

by admin | Wednesday, Jan 7, 2015

Baardheere : HN :–Xarrakada Al-shabaab ayaa toogasho ku dishay meel fagaaro ah degmada Baardheere ee gobolka Gado  afar ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jawaasiis la shaqeysa Mareykanka, Itoobiya iyo dowladda federaalka Soomaaliya ku toogtay fagaare ku yaalla degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qaadiga xukunka riday oo hadal jeediyay dilka ka hor ayaa sheegay in afartan ruux oo dhammaantood rag ah lagu soo eedeeyay in ay ahaayeen basaasiin la shaqeeya sirdoon kala duwan, isagoo sheegay in maxkamaddu ay ku xukuntay dil toogasho, kaddib markii ay dhageysatay dacwooyinkii lagu soo oogay.

“Qof koowaad ee ku eedeysan basaasnimada waxaa lagu magacaabaa Cumar Maxamed Khayr oo 29-jir ah, wuxuuna qirtay inuu la shaqeynayay yahay sirdoonka uuna qayb ka ahaa rag loo xil-saaray raadinta saraakiisha sare ee Al-shabaab, markii ay maxkamaddu wax weydiisay arrinta lagu soo eedeeyayna wuu qirtay,” ayuu yiri garsooraha Al-shabaab.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Cumar uu maxkamadda ka sheegay in hal-milyan oo doollar la siinayo haddii lagu guuleysto dilka saraakiisha saree e Al-shabaab, uuna shaqadan u qoray xildhibaan ka tirsan baarlmaaanka oo lagu magacaabo C/llaahi Leesto.

“Eedeysanaha labaad waxaa lagu magacaabaa; C/weli Muxumad Siraad oo 40-jir, waxaana lagu soo eedeeyay inuu ka tirsnaaa CIA-da Mareykanka kana howlgalayay degmada Baraawe, maxkamaduna waxay ku xukuntay dil toogasho,” ayuu mar kale yiri garsooraha.

Garsooraha Al-shabaab oo sii hadlayay ayaa sheegay in Nuur Sheekh Rashiid Xaaji Xirsi oo 46-jir ahaana eedeysanaha saddexaad uu qirtay inuu sirdoon u ahaa dowladda Itoobiya, uuna dad badan u gacan-geliyay, sidaas awgeedna ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho.

Ugu dambeyn, garsooraha ayaa sheegay in C/fataax Cismaan Cabdulle oo 21-jir ahaa, uu qirtay inuu ka tirsanaa sirdoonka dowladda Somalia, uuna shaqada u qoray xildhibaan lagu magacaabo, Cabdi Macallin Aadan. Isna ay ku xukumeen toogasho.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto wax codadka afartan qof ee la toogtay ah oo ay Al-shabaab sii daysay, waxaana dilkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay sannadkan ku fuliso dad ay ku eedeysay inay basaasiin yihiin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!