Xarrakada Al-shabaab oo toogasho ku dishay gabar ay ku eedeeyeen basaasnimo

by admin | Tuesday, Dec 2, 2014

Jilib : HN :–Xarrakada Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay gallinkii danbe ee shalay meel fagaaro ah ku toogeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe  gabar dhallinyaro ah oo ay ku eedeeyeen inay basaas u ahayd ciidamada AMISOM ee Soomaaliyaa ku sugan.

Maxkamadda Al-shabaab ee Jubbooyinka ayaa xukun toogash ah ku ridday gabadhan oo 20- jir ahayd, taasoo ay sheegeen in la qabtay iyadoo howlo basaasnimo ah gacanta kula jirta.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa sheegtay in gabadhan dhallinyarada ahayd ay u basaasaysay ciidamada dalka Uganda ka socda ee qaybta ka ha howlgalka AU-da ee AMISOM.

Dilkan gabdhan oo aan magaceeda la sheegin ayaa ka dhacday meel fagaare ah oo ku taalla degmada Jilib, iyadoo intii aan la dilin uu midshabab1q2 ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda xukunka ridday uu boqolaal dadweynaha ka hor-akhriyay xukunka lagu riday gabadha iyo ciqaabta uu mudan yahay qofkii jaajuusnimo lagu helo.

Garsooraha ayaa sheegay in ciidamada amnig ay qabteen gabadhan 20-jirka ahayd, kaddibna ay su’aalo weydiiyeen, iyaduna ay qirtay inay basaas ahayd ayna tababar kusoo qaadatay dalka Uganda; isla markaana ay howlo shaqo ah u joogtay Jubbooyinka, si ay u bixiso sirta Al-shabaab.

Inkastoo garsooruhu uu hadalkan sheegay haddana ma jirin wax hadal ah oo loo ogolaaday inay gabadhu jeediso ka hor dilkeeda, sidoo kalena ma joogin goobta qareen u doodayay oo xaqiijiyana inuu run yahay hadalka garsooraha iyo in kale.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo Al-shabaab xukun kan oo kale ah ay haweeney lagu eedeeyay jaajuusnimo ka fuliso degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Xarakada Al-shabaab ayaa si buuxda u maamusha gobolka Jubbada Dhexe ee Soomaaliya, kaasoo qayb ka mid ah aysan kaga sugnayn ciidamada DFS iyo kuwa gacanta siinaya ee AMISOM.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!