Xarrakada Al-shabaab oo toogatay ruux ay ku eedeeyeen in uu la shaqeynayay ciidammada Itoobiya

by admin | Saturday, Mar 21, 2015

Galguduud : HN :–Xoogagga Al-shabaab ayaaa galinkii danbe ee maalintii shalay meel fagaaro ah ku toogatay degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud  nin ay ku eedeeyeen inuu basaas u ahaa ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ee ku sugan gobolkaas.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ninka la toogtay oo lagu magacaabi jiray Cali Salaad Majin oo 20-jir ahaa, in  xukunkiisa uu ridday maxkamada deegaanka, iyadoo sheegtay in uu qirtay inuu la shaqeynayay ciidanka Itoobiya.

“Wuxuu qirtay Cali Salaad inuu isaga mas’uul ka ahaa dad badan oo Muslimiin ah oo ciidamada Itoobiya ku sugan Ceelbuur inuu ualshabaab gacan geliyay”ayuu yiri Qaadigii Maxkamada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu uga digay dadka inay la shaqeeyaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Galgaduud, gaar ahaan degmada Ceelbuur, isagoo xusay in cid kasta oo ay ku helaan inay jaajuus u tahay Ciidamada AMISOM aysan cafin doonin.

Al-Shabaab ayaa horay dilal ugu fulisay dad ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen sirdoonada reer galbeedka, Ciidamada AMISOM iyo dowladda Soomaaliya, waxaana dhowaanahan ay soo bandhigeysay muuqaal kala duwan oo ku saabsanaa dadkii ka dambeeyay duqeymo lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!