Xarrakada Al-shabaab oo u digtay milkiilayaasha hoteellada Muqdisho

by admin | Monday, Mar 30, 2015

Muqdisho : HN :– Kaddib weerarkii Jimicii aynu soo dhaafnay xarrakada Al-shabaab ku qaadeen hotelka Maka Al-Mukarama oo mudo saacado ah ay la wareegeen gacan ku heyntiisa, ayeey saraakiisha Al-shabaab uga digeen milkiilayaasha hotelada Muqdisho in ay ka kireeyaan mas’uuliyiinta dowladda.

Ninka ku magacaabay in uu yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir ee xarrakada Al-shabaab Cali Max’ed Xusseen [Cali Jabal] ayaa sheegay in ay uga digayaan milkiilayaasha hoteelada Muqdisho in ay soo dhaweystaan sidda uu hadalka u dhigay shaqaallaha dowladda.

’Waxaan uga digeynaa mulkiilayaasha hoteellada Muqdisho iney hoteelladooda ka kireeyaan xubnaha ka socda dawladda”ayuu yiri Cali640x359x1471.jpg.pagespeed.ic.oi9eYMjnxN Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

Ugu danbeyntii weerarkaan ayaa u noqonaya kooxda al-Shabaab mid muddo dheer ay ku haysatay hoteel kuyaala Muqdisho,waxaana uu noqonaya weerarkii labaad oo kooxda al-Shabaab muddo bil gudaheed ah ka geysato Hoteel maka al- Mukarama.

Hiiran Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!