Xarrakada Al-shabaab oo wacad ku martay in ay sii waddi doonaan weerarada Kenya

by admin | Wednesday, Dec 3, 2014

Muqdisho : HN :– Kaddib weerar is xig xigay oo ay Al-shabaab ka geysteen gudaha dalka Kenya, ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhiteen dad ku dhaw 70 ruux oo Kenyaan ah, waxaana weeraradaasi ay dhaceen maalmo aan wax badan kala fogeyn.

Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in xoogagooda ay weerar qorsheysan ku qaadeen magaalo ka tirsan dhulka Soomaalida Kenya ay gumeysato sidda uu hadala u dhigay, ayna ku dilaan ilaa afartan qof oo Gaalo Kenyan ah sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaalyahannadeena waxay weerar qorsheysan ku qaadeen magaalo ka tirsan dhulka Soomaalida ay kenya gumeysato, waxayna ku dileen ilaa afartan ruux oo Nasaaro Kenyan ah, wuxuu weerarkaas daba joogaa duulaanka ay Kenya ku soo qaaday Soomaaliya iyo Muslimiinta ku nool dhulka Xeebaha Kenya”ayuu yiri Cali Dheere.

Waxaa uu sheegay in weeraradaas ay sii socon doonaan, inta ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay inCali-dheeri-al-shabab dadka aan muslimka aheyn ee Kenya uu dhiigooda sii daadan doono.

“Inta uu duulaanka Kenya ku socdo Soomaaliya iyo dhulka Muslimiinta, waxaa leenahay uhuru Kenyata waxaad heyso fagaaraha keen, dhiiga shacabka Kenya waa sii daadan doonaa”ayuu yiri Cali Dheere oo la hadlayay warbaahinta Shabaab afkooda ku hadasha.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday is casilaadii Taliyihii Booliska Kenya iyo xil ka qaadistii Wasiirkii Arrimaha Gudaha, waxaana uu xusay in aanay is bedel soo kordhi doonin inta madaxda Kenya ku adkeysanayaan in ciidamadooda sii joogaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo si kulul u cambaareeyay weerarkii lagu laayay ilaa 36 ruux ka shaqeynayay meel laga soo saaro dhagxaanta.

Ciidamada Kenya oo gudaha u soo galay Soomaaliya dhamaadkii sanadkii 2011 ayaa waxaa sii xoogeystay weerarada ka dhacayay gudaha Kenya, iyadoo mas’uuliyada weeraradaas ay sheeganeysay Xarakada Al-Shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!