Xarrakada Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday degmada Afgooye

by admin | Saturday, Jun 20, 2015

Muqdisho : HN :–Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay gudaha u galay degmada Afgooye oo 30-KM galbeed ka xigta magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalyahanada Shabaab ayaa weeraray koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, waxaana ay muddo kooban qabsadeen saldhiga booliska degmada.Al-shabaab-Somalia

Dad ku sugan degmada Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab muddo ay ku sugnaayeen degmada, waxaana la sheegayaa in dhowr gawaari oo yaallay saldhiga Booliska ay kaxeysteen.

Wararka ayaa intaa ku daraya weerarka Al-Shabaab ku qaadeen Afgooye uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, walow aan la heyn tirada rasmiga ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ku aadan weerarka Al-Shabaab xalay ku qaadeen Afgooye.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan, waxaana habeen ka hor ay weerareen deegaanka Calamada oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!