Xarrakada Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaan ku dhaw xadka dalka Kenya

by admin | Wednesday, May 13, 2015

Kenya : HN :–Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday  deegaan lagu magacaabo Hamey oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari kenya, iyadoo deegaankan uu qiyaastii 30-KM u jiro xuduuda Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa deegaankaas weeraro dhowr jiho ku qaaday, waxaana la sheegay inay saldhig ku lahaayeen Ciidamada Kenya

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta afkooda ku hadla ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen ilaa 10 askari, isla markaana ay gubeen qeybo ka mid ah saldhigyadooda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamo fara badan oo Kenyan ah ay gaareen deegaanka, inkastoo aanay jirin war ka soo baxay dowladda Kenya oo ku aadan weerarka deegaanka Hamey.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ka fulineysay deegaano ka tirsan Gobolka waqooyi bari, iyadoo weerarkan cusub uu ku soo aadayo, xilli dowladda Kenya ay bilowday darbiga ay ka dhiseyso xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!