Xarrakada Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhigyo ku yaala degmada Baraawe

by admin | Wednesday, Feb 11, 2015

Baraawe : HN :– Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaal agagaarka magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weeraradan ay ahaayeen kuwo ku dhufo oo ka dhaqaaq ahaa.

Sida ay sheegayaan wararka xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraray fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen tuulooyinka Ambareesa iyo Marin-gubaay oo ku dhow degmada Baraawe.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ahaa kuwo muddo socday uu sababay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi loo ogeyn tiradajh dhimashada.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in iska hor imaadka ka dhacay Tuulada Marin-gubaay uu ku dhintay Madaxii tuuladaas.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa weerar dhaba gal ah ku qaaday gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda, kaasoo waabarigii saaka ka soo baxay degmada Baraawe.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!