Xarrakada Al-shabaab oo weerartay xalay deegaannka Kala-beyr ee gobolka Hiiraan

by admin | Thursday, Dec 11, 2014

Beledweyne : HN :– Labo ruux oo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ayaa xalay lagu dillay deegaannka Kala-beyr oo 22 km u jira magaalada Beledweyne  kaddib weeraray ku soo qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda halkaa kaga sugnaayeen.

Taliyaha ciidanka booliska gobolka Hiiraan Korneyl Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in ay dileen labo ka tirsan  maleeshiyada weerarka soo qaaday, halka dhankooda uu hal askari ka dhaawacmay.Al-Shabaab fighters

Taliyaha ayaa intaa ku darray in ciidammada ay ku raad joogaan maleeshiyaadka weerarka soo qaaday oo u cararay dhanka miyig ee deegaanka Kalabeyr.

Taliyaha ayaa dadka deegaanka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidanka, ayna kusoo wargaliyaan maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada miyiga.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!