Xarrakada Al-shabaab oo xalay weerartay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe

by admin | Sunday, Dec 14, 2014

Raagge Ceelle : HN :– Dagaalyahanno ka tirsan xarrakada Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerar ku qaadeen deegaanka Raagge Ceelle ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ay fariisimo ku lahaayeen ciidammada dowladda Soomaaliya.

Dadka deegaannka ayaa sheegay in dagaallka oo leysku adeegsaday hub kala duwan uu socday in ka badan hal saac oo xiriir ah.

Dagaallka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii uu iska horimaadku dhaxmaray,  hase ahaatee si rasmi ah uma cada, balse dadka deegaanka ayaa ku waramaya inay arkeen meydadka saddex ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamayay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Raage Ceelle ayaa sheegay in Al-Shabaab ay muddo dhowr jeer ah soo weerartay deegaankaas, tan iyoCORRECTION-SOMALIA-UNREST-SHAHAB markii lagala wareegay, iyadoo dagaalkii xalay uu ahaa mid culus.

Al-Shabaab ayaa weeraro habeenkii ku mira deegaanada horay loogala wareegay ee ku yaala Gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana weeraradaas ay yihiin kuwo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Dhinaca kale weerar bambaano ayaa xalay lagu qaaday ciidamo gaadiid saarnaa oo marayay xaafad ka tirsan magaalada Jowhar, iyadoo weerarkaas aan wax khasaare ah ka dhalan, hase yeeshee ciidamada ammaanka ayaa dad dhowr ah qab qabtay, kuwaasoo markii dambe la sii daayay.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!