Xarrakada Al-shabaab oo xalay weerartay degmada Afgooye

by admin | Saturday, Jun 20, 2015

Afgooye : HN :–Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay waxaa ay weerar culus ku qaadeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose oo Muqdisho u jirta 30-km, iyadoo ay u suuro-gashay inay gudaha u galaan degmadaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab xalay weerareen Koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, waxaana ay muddo kooban Qabsadeen saldhiga Booliska Afgooye.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab ay muddo ku sugnaayeen gudaha degmada, waxaana la sheegayaa inay horay ualsh kexeysteen dhowr gaari oo yaallay saldhigga booliiska degmadaas oo ay isaga baxeen xilli dambe.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu dhaliyay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac, balse aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo ogeyn, waxaana uu ka socday dagaalku gudaha degmadaas muddo saacado ah.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Koontaroolka Baar Ismaaciil ayaa dib u celiyay sida la sheegay xoogaggii Al-shabaab ee Afgooye soo weeraray, kuwaas oo markii dambe isaga baxay degmada.

Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarkii xalay ay Al-shabaab ku qaaday degmadaas , iyadoo xaaladdu ay saaka tahay mid deggen, baaritaanna ay ka socdaan gudaha Afgooye.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa kordhisay bishan Ramadaan Weerarrada ay ka geysanayso goobaha ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya, iyadoo dowladuna ay sheegtay inay adkeysay amniga Muqdisho inta lagu jiro Ramadaanka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!