Xarrakada Al-shabaab oo xir xirtay odayaal ka qeyb-gallay doorashadii madaxda maamulka Galmudug

by admin | Wednesday, Jul 8, 2015

Cadaado : HN :–Xoogagga Al-shabaab ayaa xabsiga dhigay odayaal iyo waxgarad ka qayb-galay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud,taaso lugu doortay madaxweynaha maamulka gobollada dhexe.

Illa tobon Oday dhaqameed oo ka mid ahaa wax-garadka degmada Xarardheere ayaa la sheegay in la xirray,waxaana saraakil ururka u Al-shabaab-Somaliahadashey ay sheegeen inay ku xireen amar ka yimiid mas’uuliyinta degmada ee al-Shabaab.

Xiraga odayaashan waxuu siyaadinaya tirada wax-garadka deegaannada ee u xiran al-Shabaab,ka gadal markii dagaal-yahanno ka tirsan ururka ay xabsiga dhigeen illaa shan iyo tobon odey dhaqameed oo ku sugna degmada Xarardheere oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug.

Ilaa iyo hadda sababta ka danbeysa xariga odayaasha, hasse ahaatee waxaa muuqata in loo heyso sababta ka qeyb-gallka shirka Cadaado ee lagu doortay madaxda maamulka cusub ee Galmudug.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!