Xarrrakada Al-shabaab oo dhalinyarro ku toogatay degmada Baraawe

by admin | Tuesday, Sep 30, 2014

Baraawe : HN : — Gallinkii danbe ee maalintii shalay ayaa lagu waramayaa in xoogagga Al-shabaab meel fagaaro ah ku toogteen afar dhalinyarro ah oo sidda ay ku eedeeyeen saraakiisha Al-shabaab u basaasaeyay wax ay ugu yeereen cadawgga.

Dhalinyarrada la toogtay ayaa  lagu kala magacaabi jiray Xasan Xaaji Awoow oo 27 jir ah, Mahdi Xasan Ciise oo 26 jir ah, Iidle Maxamed Xasan oo 18 jir ah iyo Axmed Maxamed Aadan oo 21 jir ah.

Kooxda Al Shabaab ayaa ku eedeysay dhammaan dhalinyarada inay qirteen waxyaabaha ay ku soo eedeeyeen oo ahayd in ay ushabab1q2 basaasayeen dawlada Soomaaliya iyo inay basaasayeen rag sare oo ka mid ah kooxda Al Shabaab.

Ma jirto cid ka mid ah afarta nin ee la toogtay oo goobta laga hadalsiiyey ama loo ogolaaday inay ka jawaabaa eedeymaha culus ee lagu dilay.  Al Shabaab ayaana u ogolaanin dadka ay qabtaan inay isdifaacaan ama ay ka jawaabaan eedeymaha loo qabsado.

Dilka afarta dhalinyarada ayaa yimid labo maalmood kadib markii haweeney 33 jir ah oo ay ku eedeeyeen inay rag badan isku dul guursatay ay ku toogteen isla degmada Baraawe.

Bilihii u dambeeyay waxay dawlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM dib u bilaabeen weerarada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, iyadoo dhinaca kale magaalooyin fara badan ay ka bexeen gacanta kooxda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!