Xarunta Jaamacada SIMAD oo la weeraray iyo faah faahin dheeraad ah

by wadani | Monday, Nov 28, 2016

Muqdisho : HN :- Rag hubeysan oo ku labisnaa dareska ciidammada dowladda federaalka ayaa maanta weerar ku qaaday xarunta ugu weyn jaamacadda SIMAD ee jidka warshadaha, magaalada Muqdisho.

Kooxda weerarka ku qaaday Jaamacadda ayaa dad goob-joogeyaal ah ay sheegeen in ay ahaayeen saddex dabley ah oo wadatay gaari,.

Shilka maanta ayaa yimid kadib markii ay arday ka dhaceen Computer Laptop ah oo uu watay, kadibna ilaalada Jaamacadda ay rasaas ku rideen kooxda, taasoo keentay in ay kooxda dableyda ah gudaha u galaan Jaamacadda.

Rasaas muddo kooban socotay ayaa gudaha Jaamacadda ku dhex martay ilaalada Jaamacadda iyo kooxda dableyda ah iyadoo kala carar iyo jaha wareer xoog leh ka dhacay, iyadoo loo maleeyay in Alsahbaab ay gudaha u galeen Jaamacada.

Qaar ka mida ardayga ayaa ka booday daaqadaha, waxaana markii dambe la sheegay in ay kooxdii dableyda ahayd isaga baxeen xarunta jaamacadda.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Daahir Carab ayaa sheegay in dabley gaareysa lix askari oo ku lebisan dareyska ciidamada ay gudaha u galeem Jaamacadda, ayna sababtay in ardayda ay qaarkood jahawareer ku dhacay.

Ciidamo fara badan ayaa markii danbe tegay xarunta jaamacadda, mana jirin cid la qabtay, waxaana xaaladda ay markii danbe ku soo laabatay caaadi

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!