Xasan Sh. oo beeniyey in Muuse Ganjab uu u yahay la taliye

by Yahye | Saturday, Oct 18, 2014

Muqdisho: HN:- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay in cid ka tirsan la taliyeyaashiisa ay gacan-saar la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa ka jawaabayay warbixin ay dhowaan kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka hubka Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka, taas oo lagu sheegay in hubka iyo rasaasta dowladda la soo degto si furan loogu iibiyo suuqyada hubka ee Muqdisho, in kastoo dowladda ay ballan-qaadday inay ka hor-tageyso in hubkeeda uusan gacanta u gelin dagaalyahannada Al-Shabaab.

Warbixinta ayaa ku eedeysay ganacsade lagu magacaabo Muuse Xaaji Maxamed Ganjab, oo ay sheegtay inuu la taliye u yahay madaxweyne Xasan Sheekh, inuu ku lug leeyahay ka ganacsiga hubka.

“Waxaan rumeysnahay in hay’adaha Qaramada Midoobay aanay howshoodu ahayn inay dadka iska cambaareeyaan, balse ay dalka u joogaan horumarinta hay’adaha jira,” ayuu madaxweyne Xasan u sheegay telefishinka France 24.

“Ninka ay ku sheegeen Muuse … maba jiro qof la yiraahdo Muuse oo la taliye ii ah, ama waligiis jago la taliyeninnimo ka qabtay xafiiskeyga. Waxaan jeclaan lahaa in kooxda dabagalka ay caddeeyaan halka Muuse Xaaji uu waligiis la taliye iigu noqday aniga.”

Ganjab ayaa isna beeniyay eedeymaha loogu jeediyay warbixinta, isagoo sheegay in eedeymaha kooxda ay yihiin isku day la doonayo in lagu curyaamiyo dowladda Soomaaliya, ayna qeyb ka yihiin olole siyaasadeed oo la rabo in lagu wiiqo xasilloonida yar ee dalka ka jirta.

Wuxuu sheegay inuusan waligiis ku lug yeelan ganacsi hub ama qeybin hub.

Kooxda dagabalka ayaa ugu baaqday in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu awood u siiyo ciidamada badda ee caalamiga ah inay baaraan doomaha iyo maraakiibta looga shakiyo inay shixnado hub ah u wadaan Soomaaliya.

Kooxda waxay kaloo ugu baaqday golaha in la xaddido tirada hubka dowladda Soomaaliya ay la soo degi karto.

Diblomaasi Reer Galbeed ah oo codsaday inaan la xusin magaciisa ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in golaha uu si dhab ah u tixgelinayo talooyinka ay soo jeedisay kooxda, walow dalka Rusisa oo leh codka diidmada qayaxan ee Veto-ga uu diidmo ka keenay tallooyinka.

“Haddii uu geystay dambi [Muuse Ganjab] asaga ayay u taallaa, ayuu yiri madaxweyne Xasan. “Waligey qof la yiraahdo Muuse Xaaji iima noqon la taliye labadii sano ee aan xafiiska joogay.”

Mar la waydiiyay in cid isaga u dhow ay lacag ama hub u weecisay Al-Shabaab, wuxuu yiri: “Run ma ahan’.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!