Xasanoow: laba laba ku dar (2+2) WQ; Bashiir M. Xersi

by Yahye | Saturday, May 17, 2014

Mudane Xasan inta ku neceb iyo inta ku nacday kuma jiro, saa horaba ugama helin aragti iyo eray kaa ehe, haddana, jabkaaga ku digan maayo, walow, aad adigu deyro, daryeel la’aan iyo dullinnimo hor leh, aad noo horseedday. In diran, in daran, in duuban, in duulal qabta, in Dollar Ilaah u yahay, in duminta daw u taqaan, in isku dirka ku diirsata, in kala dirka ku doogsata, in danyarta aan u damqan ayaase kugu dabajirta, dambigii hore aad u gashay iyo gefkii aad Diinaarka ugu ridday xukuumaddii mudane Saacid ayaa adna dacaska kaaga taagan, ee labadiina (adiga iyo Xildhibaannada) yaa hari doona?!

Xasan-Sheekh-IIILa yiri: “God sireed ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontid ma ogide!”  inta maanta kuugu baaqaya inaad iska huleeshu, waa kuwii shalay safka hore kaga jiray rididdii xukuumadda aad adigu laftaada lahayd, waxaan ku soo doortay inaannaan is khilaafaynin, siyaasi beenaale ah adigu uguma horraysid, haddana, beenta qaarkeed ayaan loo babac dhigi karin, oo qof dabooli kara, qarin kara ama u qiilin kara uusan jirin, ee godkii aad qodday iyo hoggii aad faagtay, maanta lugaha ma kula jirtaa horta, mise anaa mooday mudane Xasan? La ye: “Yaa liibaanoo, labeeyey

Sida ay ila tahay mudane Xasan waxaa lagu nacay saddax arrin, oo kala ah: 1- Hoggaanxumo iyo habacsanaan. 2- Tolka ku teedsan, ee uu tubta iyo la qaato talada 3- Himiladuu dilay iyo hammiguu duugay. Intaa waxaa sii dheer kuwa qabiilka iyo caadifadda beelaysan ku riixaya, ee wali uu maskaxdooda saaran yahay qufulkii qabyaaladda iyo qabiilka. Maanta waxaan u joognaa in qawlaysato magac xildhibaan ku sheegan ay baaq belo u direen mudane Xasan, oo aan filayo in mudane Xasan waagu ku baryey, waaba hadduu indhaha kala furee, haddaba, aan si ka geddisan xalka u soo bandhigo.

Markii Marwo Maryan Qaasin magaceeda laga waayey Xukuumadda Cabdiwali, ayaan iri; “Maryan waa tagtee, Tarzan yaa diraa?”. Ujeedku wuxuu ahaa inaan Maryan iyo Tarzan la kala reerbin, arrin ay isaga mid yihiin ogeed, oo aan markaa u arkay inaan dadku ku qatalmin, sida hore kuwa badan loogu qaldamay, oo mudane Xasan kow ka yahay. Run ahaan anigu aad ayaan ugu diirsaday in aan magaceeda lagu dhex arag golaha wasiirrada, qabiil iyo beel ha moodin, ee aan kuu qodbee, bal qoraalka sii raac, adoo mahadsan.

Marwo Maryan Qaasin maalintii ay siyaasadda salka soo dhigtay, illaa maanta waxay nooga dhigeen astaanta iyo summadda ASTURKA, oo runtii ku eheed Soomaalida qatar weyn, oo u baahneed in la hakiyo ama la joojiyaba, si looga hortago in dhaqan Carbeedka iyo suntooda bulshada ku dhex fiddo, iyada oo diin iyo loo ekaysiinayo Islaam. ASTUR, horta muxuu ahaa? Sidee loo ASTURTAA? Maxaa la isku ASTURAA? Maxaa la iska ASTURAA? Waa weydiimo ay tahay inuu qof walba is weydiiyo, si aan loogu qaldin huuhaada dacaraysan, ee aan diinta shuqul iyo ku lahayn sal.

Waxaan leennahay dhaqan iyo hidde gaar noo ah, oo aan uga soocan nahay ummadaha kale iyo kuwa dariska nala ahba. Sidii uu burburka dawladnimo noogu dhacay, waxaa na soo gaaray dhaawac weyn iyo daqarro xooggan, oo aan ugu yeero DHIMAALKA DHAQANKA, oo leh dhan walba, af, addin iyo uur, muuqaal iyo magac, sal iyo sinji. DHIMAALKAA wuxuu ka socday labada dhinac; reer Galbeed iyo Carab, haddana, waxaa xoog batay, aadna noo saameeyey, heer uu na harqiyey kan dambe (Carab), illeyn wuxuu ku daaban  yahay, oo ku gabbanayaa waa diin iyo kitaab, Alle iyo Rasuule.

Kooxda sunta Carabta la cabsiiyey, ee iyada oo suuxsan umadda la sii dhexqaadey, waxaa ka mid ah; Al itxiaad, Al ictisaam, Al shabaab, Al ikhwaan, Al damu jadiid, … IQKB, oo ay horgale u wada yihiin AL, dhammaan waxay ka siman yihiin inay ku hawllan yihiin sidii umaddan looga arradin lahaa dhur iyo dhaqan waxa ay leeyihiin, ee loo Carabayn lahaa, loona tirtiri lahaa siniga Soomaali.

Marwo Maryan, in badan ayaa ku qatalmay, oo u arkay inay tahay Marwada ASTRUKA, iyagoo ka eegaya kaliya inay Shuko Carbeed wadato, oo kaalay shukada iyo asturka maxaa isku xiray? In badan oo ku qaldantay SHUKADA Marwo Maryan Qaasin way baraarugeen markii ay Marwo Maryan tiri: “Gabadhii la kufsado lama soo waraysan karo!” illeyn Shuko [DHAR] wax ma asturtee qiimo iyo qaayo [DHAQAN IYO DHUR] ayaa wax asturee. Bal is weydii waxa Marwo Maryan Qaasin loogu wada baroortay markii ay waysay kursiga wasiirnimo, oo waliba lagu tilmaamayo inay astaanta astur u ahayd? Is weydii Marwo Fawsiyo Xaaji Aadan ma asturnayn miyaa? Waxa iga sii yaabshay; markaan arkay hablo aan u labbisan (aan qaadan Qandiga Carabta) sida Maryan, oo haddana dabinkii Cabreed ku dhacay! Yaab.

 

Tiibba Talyaani waa tagyee, Tolka Carabta yaa tiraa?!

 

Intaa haddaa uga gudbo Marwo Maryan aan u galo Mudane Tarzan iyo isna waxa aan u doonayey in xilka looga qaado, markii laga qaadana aan u soo dhaweeyey. Mudane Tarzan, xilka wuxuu ku helay laba daaqadlayda qabiilka iyo diinta, oo wuxuu ka faa’iidaystay dagaalkii Xabashida iyo xerteeda lagula jiray 2007-2008dii, oo uu ahaa afhayeenka beelaha Hawiye, dhawaanse uu isla odayaashii dhaleecayn iyo kala kordhacay eedayn, illayn danihii ayaa iska horyimide.

In badan ayaa mudane Tarzan u arkay halyey iyo wax ku ool, sida caadada ahba Soomaalidu waa dad quus iyo taagan qabri korkii, marka qof walba oo xitaa qabriga hore ugu sii rada ama qodaalka u sii dheereeyaa waxay u taqaan halyey aan la hollin karin, marka Mudane Tarzanna halkaa ayuu ku sii socday, oo way ahayd in dadka laga horwareejiyo, inta uusan u xuubsiiban halyeyda heeryada habaaska.

Hubaal in mudane Tarzan uu ahaa halyeeyada habacsanayaasha, saa afartii sano ee uu Guddoonka Gabolka Banaadir hayey hal go’aan oo loo aayo ma goyne, ee la xiriira; ammaanka, maareynta, nabadeynta, hanti isu celinta, hormarinta, dib u dejinta, dhisme golo deegaan iyo maamul goboleed, u diyaarinta gobolka doorasho iyo codayn, xakamaynta dhaqaalaha gobolka, la xisaabtanka dawladda dhexe, kaabidda iyo kobcinta ilaha dhaqaale ee gobolka IQKB.

Maalintaa uu xilka qabtay ilaa maalinta xilka laga qaaday Mudane Tarzan tallaabo la taaban karo ee uu qaaday yaa ii sheegi kara? Ha fududaan, oo ha la soo boodin, qashinkii baa la xaaqay, illeyn qashinka iskaa wax u qabsho ayaa lagu xaaqee, imasa ayaa Hooyo Soomaali loo qarxiyey taa awgeed? Marka taa ammaanteed dumarka ayaa iska eh, ee isaga iyo inta la midka ah ma lahan.

Alshabaab ayaa Xamar laga saaray, sax, yaase ka saaray? Askarta dawladda iyo Amisom oo iskaashanaya, ee Mudane Tarxan talo iyo tusmo kuma lahayn! Waddooyinka Xamar uu dhisay, yaa kugu yiri? Waddooyinka Xamar waxaa dhisay Turki, ee ma isagaa wax ka sameeyey.

Magaalada ayaa la galiyey Baallayaal ku shaqeeya Cadceedda, sax, waxaase galisay dawladda Norway, ee mudane Tarzan muxuu ku leeyahay? Ammaanka ayaa sidii hore dhaama, oo uu gacan ka gaystay, oo haddaa isagu muxuu ammaan ka galaa, oo aad ugu saarisay? Saw ma ogid in kaligii uu magaalada ku mari jiray laba gaari oo isaga si gaar ah u waardiyeysa? Dhanka kale, hormarka dhisme ee ka socda, ma isaga ayaa horseeday? Waa maya, dawladda Turkiga ayaa ku ammaanan mahadna ku leh, ee mudane Tarzan waxba kama galin, waana midda Mooshinka looga keenay in la eryo shirkadda Favori oo maalgalin ku samaysay garoonka iyo dekadda Muqdisho, oo maamulkooda la wareegtay, laguna doodayo dalka ayey sharci ku joogtaa, dalku waa kee? Ma Xamar mise? haddaba waxaa is weydiin leh, waxaa dib loo dhisay garoonka Hargeysa, mooshin lagama keenin, kan Boosaaso oo Cabdiweli Gaas Doorashada ku galay, mooshin lagama keenin, haddaba, maxaa keenay in waddooyinka, Dekadda, Garoonka Muqdisho, adeegga bulshada Xamar iyo Isbitaallada dib loo dhisayo in Mooshin laga keeno? Waa yaan hore loo socon iyo Muqdisho mugdiga ha ku jirto, ee Mungaabow maxaa ku aamusiyey? Maxaase afka qabtay guddoomiyeyaasha Suudaan, ee Xamar sida daadkii qariyey? Maxay uga hadli la’yihiin, sidii loogu jawaabi lahaa mudayaahsa mooshinka?.

Labadaa (marwo Maryan iyo mudane Tarzan) haddii uu mudane Xasan diray, ee loo bogay, waa inuu ku daraa laba kale, oo aan ka ahmiyad yarayn, haddii aysan ka ahmiyad weynayn, labada uu ku darayana waa mudane Faarax Sheekh C/qaadir Wasiirrka Cadaaladda iyo Dastuurka, horena u ahaa Wasiiro Dawlaha Madaxtooyada iyo  C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Amniga Qaranka, horena u ahaa, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, waana sababta aan cinwaanka qormada uga dhigay; laba laba ku dar (2+2).

Haddii labadaa hore raaciyo labadan dambe, hubaal in dad badan oo maanta mudane Xasan nacsan ama necebba ay kalsoonida dib u siin lahaayeen ama ugu yaraan kis yar ka siin lahaayeen. Intase mudane Xasan uu kuwaa xashinta iyo uu ku wato xaglaha hubaal inaan cidna jeclaalayn, bulshudana aysan soo dhaweynayn marna, si walba oo uu run u sheego, see waa laga aamin bexee.

Kooxdan yar oo Soomaalidu u taqaan “Damjadiid” ayaa madaxtooyadii iyo xukuumaddiiba la wareegay, dhanka madaxtooyada hore waxaa u fadhiyey Faarax Topaz, Xasan Sheeq iyo canaasir yaryar oo ka soo wada qalinjabshay Machadka Simad, Dalalka Sudan iyo Masar. Taa waxaa dheer qolyo aragti ahaan cabsanaa mabda’aa oo ka yaacay Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo halkaa u shaqa tagay, Allaw aysan irsaaqaddu naga galin sidii aan walaalkeen u dhiigmiiran lahayn! Aamiin. Midda dad badan u cuntami waysay waa in kuwan ka ku diday Xamar ay shalay la taagneeyeen waxa maanta ay samaynayaan wax ka soo gaddisan. Bal adba.

Ragga Xukuumadda ugu jira waxaa ugu tun weyn C/kariin Xuseen Guuleed (Wasiirka Amniga Qaranka). Taladoodii gurracnayd waxay ku billaabatay in xukuumaddii mudane Saacid laga dhigay toban Wasiir, tii dambana 55 wasiir ka dhigay.

Xasan Shiiq inuu Macallin ahaa ka sokow, wuxuu soo noqday maamule, balse, iswediinta baa ah: maamule dugsi iyo maamule degmo ma isku midbaa? Taa ka sokow, sooyaalka dawladeed ee dunida marka laga hadlayo, ma ku haysaan macallin noqday hoggaamiye loo aayo? Iska fiiri kuma weydiin Madaxweyne, Wasiir iyo xil ma soo qabtay, ee waxaan ku weydiiyey wax ku soo kordhiyey bulsho iyo dawlad.

Mudane Xasan ogsoonow, inta adiga lagu nacay ama lagu neceb yahay, waxaa lagaaga sii neceyb badan yahay labadaa kale (Faarax iyo Guuleed). Mudane Xasan Madaxtooyada ha moodin Machadkii SIMAD, maamulka dalkana ha moodin malcamad, xafiiska ha moodin NGO, si marka aad dadka ugu soo dhex laabato labadaa meesha ka dir, oo ah runtii inaad ku dabooli karto FASHALKAAGA dhan walba ah, haddii kale iyaga nacaybka loo qabo ayaa meesha kaa diri doona.

Labadaas labadan ku dar. Labadaas labadan ka daba gee. Labadaas labadan daba dhig. Labadaas labadan raaci. Labadaas labadan ha ka reebin. Labadaas labadan u gee.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

http://bilediraac.wordpress.com/

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!