Xasanoow markan XILKA sidan u xeeri! WQ: Bashiir M. Xersi

by Yahye | Wednesday, Dec 17, 2014

In kasta oo Xasan hore laguugu qatalmay, walina aysan qayladu damin, haddana, mar walba madax soo taagan war lagalama quustee, bal markan si kale aan kuugu saafo hadalka, anoo filayo inaad suuraysato ama ugu yaraan aad sadar ka mid ah u aragto mid wax ku ool eh ama dhaxalgal ah

Mar haddii RW Cabdiwali xilka laga xayuubiyey, anigu waan soo dhawaynayaa, oo ka Bashiir ahaan, ISBADDAL walba waan daneeyaa, aadna u xiiseeyaa, maxa yeelay, sabsablaha Soomaaliga ah, waxaa habboon inuusan kursiga ku dul xididaysan, haddii kale, hadhaw lagama fujin karo, oo Cabdi Waiba tusaale ha kuu ahaado. Sidoo kale, hantida uu lunsanayo haddii hore laga hantaatiqiyo way ka yaraan kartaa marka uu sanado joogo midda uu dhici lahaa.

Anigu haddii maalin walba RW cusub la magaabo, waxaan dhihi lahaa; waa sidaan rabnay, maxaa yeelay, adigu tuug aad ogtahay inuusan dan kuu wadin, maxaa kaa galay, haddii la casilo ama uu is casilo maalin gudaheed, kaaga darane, aad siiba ogtahay, in kan xigaana inuu tuug kale yahay, ee uusan ka khayr roonayn? Waa HA DHAQLAYSO, eray kale uma hayo anigu, laga yaabee adigu (aqriste), inaad erayga macne caay ah u taqaan, anigu maya, marka ha igula yaabin.

Awood qaybisaga siyaasadeed ee MW iyo RW wuxuu ayaamahan dhextaal u yahay labada beel ee Prof Samatar Soomaaliweyn uga baxay, u nacay dartood dhihi maayee, saa waxa ka cabaadiyey ama cayrshay ma ahan qalad iyo qallooc uu arkee, waa xil uu waayey iyo jago uusan heline!

Xasan beesha aad ka dhalatay hadda waxay haysataa xilka MW, oo aad adigu ugu fadhiso, balse, aadan ku metelin, saa wali deegaannadooda inaad maamul u samayso, ood boobkaFINADA FENDERAALKA ka qaybgaliso iska daaye, wali waxay iska caabbin kula jiraan haraadiga Alshabaab iyo qolyo aan la aqoon meesha ay ka gows haystaan, oo maalmihii u dambeeyey qalalaaso ka abuuray Galguduud, gaar ahaan degaannada Guri Ceel iyo Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer).

Laba kol ayaad garabka kale eegtay, oo aad labadiiba ciid cidlo ah iyo na dhigtay meel maran. Sidoo kale, Shariif iyo C/qaasim oo saddaxaystay sidaada oo kale, waxba kama dheefin, waxna naguma dheefin, waxna kuma soo dhirdhin, marka horta ugu horrayn adiga waxaan ku dhihi lahaa; saddaxda na dhaafi, oo afar iyo ka badan gaarsii, waqti waad haystaa aad ku badisee, si MW adiga kaa dambeeya, uu isna ugu dadaalo sidii uu u shanayn lahaa ama u lixayn lahaa. HA DHAQLAYSO!

In kasta oo aad adigu tiri; “Ma rabo inaan Rikorka jabiyo!” haddana, anigu ku rumaysan maayo, mid adiga kugu gaar ah ma ahan, oo sabsable (SIYAASI) Soomaali oo dhan ayaanan rumaysan, saa run maba sheegin waligiiye, haddana, haddii ba been lagu yiqiinnay kumaba sii jirtoo, waa; ka roor ama dhagaha ka furayso!

Haddaadan Rikorka jabibayn iyo haddii aadan beeshaa rabin inaad RW ka magacawdo ayaan rabaa inaan aragti kale kula wadaago, mar walba qaadashada adaa iska leh, haddana, af qoyan hadal ma daayo!

Aragtidu waxay ku qotontaa saddax qodob oo RW cusub la xiriirta, waxayna kala yihiin;

  • In Xasan aad RW cusub u magacawdo Beelaha Waqooyi dega. Dad badan way igu diidi doonaan, oo waxay la soo istaagi doonaan, ma beelaha goostay ayaad ka dhigaysaa RW Soomaaliyeed? Oo haddaa Beesha Bari, iyagu goosasho maxaa uga haray? Heshiis ku sheeggii ay laba Cabdiwali wada saxiixdeen miyaa dawladnimo soomaali ku dhismee, mise sedbursiga maalin walba ah? Anigu waxaan ba qabaa in beelaha Waqooyi dhaamaan beesha Bari, saa, beelaha Waqooyi, gaar ayey isu taageen, oo dhinac ayey ba kaa mareene, middan se aan kaa dhexbixin, maalin walbana ku labayasa, dhibna kuula taagan, xaggee loogu hagaagaa?.
  • In Xasan RW cusub aad ka dhigto beelaha lagu sheegay BARKA, ee aan dhammaystirnayn sida beeelaah kale (aqli iyo aqoon haa) balse, (awood iyo itaal maya) gaar ahaan isbaarada, boobka iyo bililiqada, haddii aadan Waqooyi ka keeneyn. Sidoo kale, waxaa la dhihi doonaa, awood qaybsigii ayaa meel looga dhacay, oo haddaa, awood qaybsiga labadan beelood, xaggee ku qoran yahay? Xitaa DALTUURKA kuma qorna, haddaba, xaggee ka keensadeen, haddii beel ka mid ah ay hesho MW in ay qasab tahay in tan kale hesho RW, ama cagsigeeda? Waa sheeko baralleey ay iyagu isa siiyeen, ee ma ahan wax meel ku qoran ama dhaxal awoowe. Si kale, haddaan u iraa; waa ISBAARO U WADATAAL, oo ay raalli ka wada yihiin ama isla ogyihiin, balse, ISBAAROOYINKA kale waa isku dhaleeceeyaan ama isku dhaliilaan, iyagoo lah; beel hebel ayaa ISBAARO noo dhigatay ama ISBAARO u taal, taas xumaanteeda kaliya, ha noo sheeginninee, midda wadarta ah ee idiin wadataal, kaalaya naga horqaada! GABLAN!
  • In Xasan aad RW cusub ka dhigto MARWO (qof dumar ah). Uma gelin barta saddaxaad inay iigala hooseeyaan kuwan labadan sare ku xusan, oo gabar walaasheey ah ay ku tilmaamto QOORO BALAQYO, anigu se aan dhaho QOORO DHEERAYAAL, ee waxaan dib ugu dhigtay ayaa ah, in aan hal dhagax laba shimbir ku dilo, oo ah; haddii aan laga fursanayn in beeshaa mar kale RW laga soo dhex magacaabo, ama beelaha barka lagu sheegay laga keenayo ama beelaha Waqooyi, saw ma habboona in RW ay mar walba noqoto MARWO? Laga yaabee, inaad is weydiinee, ama ima leheeday; oo maxay ku kala duwanaan doonaan Marwo iyo nin, mar haddii waxa dhami yihiin QALAD lagu dhuftay QALAD, maxsuulkuna yahay QALAD? Waa weydiin meesha ku jirta, haddana, waa runtaa ayaan ku leeyahay, balse, anigu waxaan ba qabaa, inta aan qaladka iyo natiijada dambe loo boodin, bal ha lagu tijaabiyo, maxaa yeelay, wali xil sidaa u sarreeya maba loo dhiibine, maxaa lagu dhaliilaa?!
  • Haddii aadan Xasan saddaxdan midna tixgalin gaar ah siinayn, anigu waxaan aragti ahaan qabaa in Faarax C/qaadir aad u magacawdid RW cusub, si buuqa, muranka iyo u haraan qaylada laga keenay kaalinta iyo awoodda Faarax. Laga yaabee, inaad markanna is leedahay; oo haddaa Siyaad Barre (Aabbaha Burburka Soomaaliyeed) sawtii lagu raacdeeyey ma ahan kalitalisnimo? Haa, waa run, balse, adigu miyaad haysaa, wadatashi iyo wadaag maamul ah? Car HAA, i dheh, haddaba, haddii warcelintu MAYA, tahay, maxaad noo daalinaysaan, maad u daysaan qashinkooda ha laaqdaane? Waxaa laga yaabaa, inaad mar kale i leedahay, haddii kuwan ba ay tahay in loo daayo, maxaan Siyaad iyo raggiisa loogu dayn? Run, iyana waa sax, balse, horta sidu sidii maaha, haddana, Siyaad iyo raggiisa in ku filan oo waliba ka badan waa loo daayey ayaan qabaa, saa 20sano caqliga ay keeni waayeen, ma u malaynayo inay dib ka keeni lahaayeene.

Ogoow aqriste, intaa ka dib, ka hor iyo mar walbana macne kale, muunad kale, muraad kale, maamuus kale, mudnaan kale iyo u waayey maarayn aan ka ahayn HA DHAQLAYSO!

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
www.bilediraac.wordpress.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!