Xassan Xanafi oo soo gallay gacanta dowladda Soomaliya

by admin | Tuesday, Dec 9, 2014

Muqdisho : HN :– Dowladda Kenya ayaa u soo gacan galisay dowladda Soomaaliya Wariye Xassan Xaaji Xanafi oo Al-shabaab u qaabilsanaa shirqoollada iyo dilalka wariyayaasha, kaddib markii dhowr biloow ka hor ciidamada Kenya oo kaashanaya sirdoon Soomaali ah ka soo qabteen xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Waxaa uu ku eedeysan yahay in uu ka danbeeyay dilalka wariyayaal dhowr ah oo ka tirsanaa qeybaha kala duwan ee warbaahinta Muqdisho iyo Idaacada ku hadasha afka dowladda ee Radio Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xasan Xanafi uu sooXanafi (1) maleegay shirqoolo dhowr ah oo lagu dilay wariyeyaal ay ka mid yihin Allaha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi, Sheekh Nuur Maxamed Abkey, Saciid Tahliil, Muqtaar Maxamed Hiraabe iyo Suxufiyiin kale.

“Ninkan aad aragtaan waxaa uu soo maleegay shirqoolo dhowr ah oo saxafiyiin badan lagu dilay, waxaana soo qabashadiisa ka qeyb qaatay Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo gacan ka helaya Sirdoonka Kenya, xogo ay hayeen ayaana lagu qabtay, isagoo Nairobi ku sugan”ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Soo gacan galinta Xassan Xanafi ayaa ku timid dalab ay dowladda Soomaaliya u gudbisay dowladda Kenya oo ay ka codsatay in loo soo gacan galiyo eedeysanaha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!