Xasuuqa Kenya xadgudubka Raaskambooni iyo xeeladda Azaaniya! WQ: galeyr

by Yahye | Monday, Oct 8, 2012

Wacaalka adduunyada ayaa waxaa  hadba uu soo tebiyaa dhacdo ama arrin dadku ka fiigo ama raja gelisa, arrinta saamaynta ay doontaba ha yeelatee, waxay la deristaa nolosha iyada oo dadku falanqeeyo kana hadlo, waxna layska weydiiyo, sidey ula falgeli karto nolosha, waxay noqotaa arrintaas mid la oggolaado ama lagu qasbanaado iyo mid laga gacantaago, oo dadku ka biyo diido, haddaba, dhawaqa ka soo baxaya Kismaayo ayaa ka dhigan duufaan soo muuqda oo guulaamo dabaylo wata ah, lama oga inuu noqon doono baa’biye  dhir, baad iyo  noole, siigo iyo hanfi ah iyo Bariise roob oo lagu bejiyo baajiyana abaar iyo belo oo dhan dadkana ku beera negaadi iyo badbaado wanaagsan.

Waxaa dhawaanahan dagaallo culculusi ka socdeen, Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, oo ay ka dagaallamayaan ciidamo Jabhad ah oo ku salaysan beelo, doonaya inay qabsadaan magaalo xeebeedka Kismaayo ee dekadda leh iyo gobollada dhul beereedka ah, oo aan ahayn dad u dhashay deegaanka, marka laga reebo in ka yar 2% inay ka degan yihiin, balse, damacoodu gaadhsiiyey in ka badan 100% inay awood ku qabsadaan.

Saddex kooxood ee ku mideysan qabsashada iyo hanashada magaalada Kismaayo  ayaa qolo weliba waxay doonaysaa inay si xeeladaysan u hantiyaan maamulka deegaamada Jubbooyinka. Kooxi waa Jabhadda Raaskambooni oo ka mid ahayd ururadii diinta waday ee ku fashilmay laga soo billaabo 2006 ilaa waqtiga hadda aynu joogno. Qolada kale, waa Azaaniya oo ahayd maamul uu ku riyoodey Prof Gaandi oo isaguna ku fashilmay siyaasadda, doonayana inuu door kale ka ciyaaro oo ah Madaxweyne maamul goboleed noqdo. Waxaana sidoo kale maamulkan dabada ka riixaya  Dowladda Kenya oo muddoooyinkii danbe faragelin toos ah ku haysay arrimaha Soomaaliya. Kooxda Saddexaad waa kenya oo iyada lafteedu damac weyn kaga jiro hanashada dekadda Kismaayo iyo xeebaha ku xeeran awal hore waxay ku ekayd taageerada labada kooxood, balse, markay dhaqaaqi waayeen,  ayay   awood iyo xoog ku soo gashay xadka Soomaaliya, iyada oo hiilkeedii afka iyo dhaqaalaha ahaa gacanta ku dartay, kuna  dabbaqday waxaan ilaalinayaa Ammaanka dalkayga! Waa yaabe, haddaad ammaankaaga ilaalinaysid ma ammaanka dadka kale ayaa baa’binaysaa!

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda: “Ninkaad kabo ka toloneyso kabihiisa la eega

Haddii ay labadan kooxood waa Azaaniya iyo Raaskambooni wadaan wanaag iyo Soomaalinimo iyaga oo hal beel ka soo wada jeeda ayaa midoobi lahaa  magac keliyana isugu iman lahaa ama ka mid noqon lahaa ciidamada dowladda sida kuwa ka dagaallama Bakool, Baay, Gedo, Sh.Dhexe, Sh.Hoose, Hiiraan iyo Galguduud, oo ah ciidamo si toos ah Dowladda dhexe u hoos yimaada, haddiiba ay ku heshiin waayeen iyagii damaacigu ku jirey ma la heshiisiin karaan dad kale oo aan hadafkooda aaminsanayn? Waxse ma ka bedeli karaan go’aankooda? Aqristaha ayaan u dhaafaya jawaabtaas.

Haddaba saddax xagalka Sharta ee kala ah: Kenya, Raaskambooni iyo Azaaniya ayaa waxay si caad isku qaris ah isugu sheegaan ciidan dowladeed,  ciidamada dowladda ee ka barbar dagaallama  Gobollada kale ma jiro magac urur oo aan ahayn Ahlusunna oo iyadu si toos ugu biirtay maamul iyo awoodba   iidanka Dowladda, maxaa Raaskambooni & Azaaniya  ka reebay ciidanka Dowladda? Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa: “Haddaan sacabka xeel laga lahayn maxaa habeenkii loo tumaa” haddii ciidamo qaran ay yihiin maxaa ku raray magacyada jaan ee foosha xun ee meel ay ka yimaadeen aan la garanayn? Maxaase ka dhigey hal beel taliye ilaa dable? Waa Su’aalo isweydiin u baahan.

Kenya ayaa sheegatay iyaduna inay ka mid tahay ciidamada Midowga Afrika ka jooga dalka Soomaaliya  eeAMISOM, haddana, kama amar qaadato  taliyaha ciidanka Amison wax wada shaqayn ahina kalama dhaxayso, isku talona maaha, taas waxaa caddeynaysa, damaca gaar ahaaneed ee Kenya ku doonayso dhul xeebeedka Soomaaliyeed ee Shidaalka laga helay Dowladaha Yurub qaarkoodna ay doonayaan inay si xeeladaysan ama farsamaysan inay ku qaataan dhulkaas.

Labadan damaaci ee Raaskambooni, Azaaniya+ Kenya ayaa ku heshiiyey inay  si wada jira dhulkaas u qabsadaan ugana hirgeliyaan maamul laga xukumo Nairobi ama  Gaarisa, waa sidii uu ka dhawaajiyey Masuul ku hadla af soomaaliga oo ka tirsan Dowladda kenya Faarax Macalin ayaa cod dheer ku yidhi:“Kudhaa mar dambe Muqdisha lagama xukumi doono”  taasi waxay ka marag kacaysa damaca fog ee ujeedo badanka ah ee laga leeyahay deegaamada Jubbooyinka.

Dadka qaar iyo kooxaha qaarkood ayaa ka dhigaya dallo iyo gabaad Kenya waxay caawinaysaa Soomaaliya, caawinaadu ma duqeyn iyo xasuuq bay u yaqaanan waa  yaabe? Mise waa  si kale? sida aan ognahay adduunka haddii dhibaato iyo burbur dal ku dhaco ama dagaalo ka oogmaan way dhacdaa in  ciidamo dal kale ka yimid dal tagaan ama u soo gurmadaan, maba xuma ha laysu gurmadee, gurmadoow magaca haddii dal iska soo galay dal kale xuduudiisa kana adeegto isagoo dagnaanta iyo iyo awood daridooda ka faa’iidaysanayaa ma gurmadba mise waa duulaan qaawan qaabkee ayay kenya dalkeena ku soo gashay? Yaa u ogolaadey yeyse ka iidaad haysataa? Su’aalahan oo dhami waa kuwo u baahan in lays weydiiyo loona helo jawaab  waafiya.

Caalamka  waa laysu  gurmadaa dalalka saaxiibada ah, kuwa xidhiidhku ka dhaxeeyo, iyo heshiisyada iyo is afgaradka dhexmara dowladdaha, aafooyinka dhaca, sida Abaaraha, Duufaanada, daaddadka,dhulgariirka, iyo dagaaladaba, balse gurmadkaasi maaha mid diyaarado wax duqeynaya wata mana aha mid maraakiib iyo ciidan dabaabaad ku socda dadka xasuuqayaan ee waa mid badbaadinaya shacabkaa dhibaatadu haleeshay.

Gurmadku waa kaaga iman karaa Deriskaaga,  qaaraddaada ha ka ama qaaraddo, balse, ciidankaas waa ineyjirtaa hay’ado u gaar ah oo ilaaliya  shaqadooda, wixii dhiba ay geystaana kula xisaabtama tusaale u soo qaato, xaaladda Kenya Soomaaliya ka waddo waxay la mid tahay, nin gurigiisii  gubanaya oo nin kale u soo gurmaday, ninkii gurmadka ku yimidna halkuu alaabta mood iyo noolba la badbaadin lahaa uu  caagad gaas ah ama bansiin ku sii bilbilo, macnaheedu maaha  gurmad ee waa luggooyo iyo caddibaad hor leh, waxaan taas ula jeedaa, duqaymaha deegaamada Jubbooyinka iyo Gedo maaha kuwo wax dawaynaya, in maato lagu dhammeeyo maaha ama la qixiyo, waana arrin laysla ogyahay in dadka deegaanka la durkiyo oo la duqeeyo si nimanka isbalaadhinayaa ee danaha Kenya wadaan degmooyinka iyo tuulooyinka oo faaruqa u degaan una qabsadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaad mooddaa gacan ku gabad ama dad sir laga hayo marka laga hadlayo faragelinta shisheeye oo ay aad uga gaabsadaan, waxay maahmaah Soomaaliyeed tidhaahdaa: “Haddaad dhimanayso Dhareerka waa layska duwaa” taas waxaan uga jeeda haddii Itoobiya iyo Kenya soo galeen dalka maaha in laga aamuso ee waa in loo sheega waxay wax dhimaale geystaan, waana inay jirtaa hay’ad iyo waax la xisaabtanta ciidamada shisheeye cidey doonaan ha ahaadaane,  waxaa jira ciidamo kale sida Burundi iyo Uganda, qaladaadka iyo duqaymaha iyo dilalka ay geeystaan, ma jirto cid la xisaabtanta ama wax ka og hawlaha iyo dhibaabaha dhacaya, weliba xeer laga soo saaray, waa in  la helaa hay’ad xuquuqda shacabka iyo sharcigaba ilaalisa, waxaa ku qoran  Dastuurka inuu qofka naftiisa iyo maalkiisa iyo fekerkiisuba  xor u yahay, xuquuqda shaqsiga ah, haddii la dilo, la duqeeyo, la dulmiyo, la xidho, la qixiyo, aaway xuquuqdaasi marka saw maaha wax layskaga qoray buug oo aan macne samaynayn?.

Deegaamada Jubbooyinka waxaa muddadii 22ka Sano ahayd ka dhacaysay dhibaatooyin isdaba socda, marxalado adagna way soo mareen waa inay maanta helaan ciidan dowladeed oo isugu jira dadka deegaanka oo dhan, oo leh maamul dhamaystiran, ciidan nabadgelyo, waa inaan awoodda hal beel iyo hal koox iyo hal urur gacanta loo gelin, haddii taasi dhacdo waa: “Kud ka guur oo Qanjo u guur” sababtoo ah waxaa laga cararayaa Alshabaab ayaa wax dilaya oo gacmaha goynaya, waxaa iman doona kuwo isbaaro u taallo dadkana baad ka qaada awooddana ku takrifala oo aan wax nidaam ah iyo kala danbayn toona ka hirgelin  gobolladaas.

Waxaa la yidhi : “ Nimaan waxa soo socda garan wax joogana ma garto” ifafaalaha ka soo muuqda Jubbooyinka ayaa ah mid dhinacna leh murugadiisa dhinacna leh rajadiisa, haddii awoodda ciidan iyo maamul loo isticmaalo si wadajir ah, oo dadka deegaanka xuquuqdooda la siiyo ciidamada ajaanibka ahna laga xakameeyo, Dowladda dhexe si toosa u farageliso waxaa ka iman karta rajo iyo in laga baxo burburkii iyo dhibaatadii baahsanayd, haddiise Raaskambooni iyo Azaaniya awoodda gacanta loo geliyo waxaa iman doonta in la yidhaahdo: “Salaamula Alshabaab” oo kuwa ka darani yimaadaan oo damaaci iyo sedbursi iyo ku dul noolaansho raadinaya  dunidan kala miirantay huwanna magac qabiil iyo  ajande beeleed.

Haddaba, Dowladda dhexe iyo Shacabka deegaankuba waa inay il dheer u yeeshaan saddex xagalkan Sharta ah iyo xawaaraha ay ku socdaan, haddii aan laga hortegin waxaa iman doonta inay  beelaha deegaanka ay taageeraan Alshabaab, inay Jabhado cusub dalka ka aasaasmaan, in dagaallo sokeeyo oo kale dib u qarxaan, in ay beelaha kalena soo adeegsadaan sida haddaba socota ciidamo shisheeye oo Itoobiya iyo Kenya shacabkaas dhexda gashadaan.

Jubbooyinka sida loo deganyahay iyo dadka deegaanka ahi, maaha wax maanta muran la gelinayo, dadka qaar ayaa waxay ku doodaan in hantida ma guurtada ah la ilaaliyo ama laysu celiyo, waxay haddana sameeyaan inay deegaamo iyo dhul dad leeyahay isku balaadhiyaan ama awood ay ku doonaan inay ku qabsadaan iyagoo magacyo been ah iyo ciidamado shisheeye  garabsanaya, macnaheedu waa: “Halbaa geela cunta oo cabbaada

Waxaan ku soo afjarayaa waa tii Galguduud, Shabeellada dhexe iyo Hiiraan maamullada loo magacaabayaye waa in maamul Dowladdu u magacoowdaa ilaa iyo dadka deegaanku aayahooda ka tashadaana waa in uusan jirin maamul goboleed halkaas ka hirgala, sababtoo ah waa sedbursi kooxeed haddii taas la hirgeliyona waxaa iman doonta waxyaabo aan hadda muuqan. Kenya waxay hadda khilaaftay sharciyadii Amison sida maamulka iyo guddoonka Amison caddeeyeen, maaha inay duqayso deegaamo shacab ku noolyahay, haddana waa ku sii indho caddahay. Madaxda af Soomaaliga ku haddasha ee Dowladda Kenya ayaa dabada ka riixaya iyagoo doonaya inay si dadban uga faa’iideystaan damac beeleedka Kismaayo lagu mulkiyayo iyo gurashada khayraadka dalka ee Shidaalka ugu horreeyo. Haddii Dowladdu sidan uga aamusnaato, oo taliyayaasha ciidamada Qaranku ka gaabsadaan, qabsashada Kismaayo waxba kama bedelayso marxaladdii ay horre ugu jirtay.

Haddii adiga oo maxbuus ah xabsigii aad ku jirtay iyo dadkii aad u xidhnayd iyo adigaba dad kale dusha idinka sii qabsadaan oo aadan marnaba helayn xorriyaddaadii saw xaalku ma noqonayo, xigmaddii AUN Abwaan  Qaasim yidhi:

Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye,

 

Dusha midabka Soomaali baad dugulka moodaaye,

 

Misna laguma diirsadee qalbigu waa dirkii Karal’e

 

Meeshaan dad aan ururshiyo dirir, ka eegaayay,

 

Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacaro miyaan leefay,

 

Ma darraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay,

 

Sidii aan dayaysnahay miyaan dawgii ka habaabay

 

 

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

 

Galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!