Xeer ilaalinta Qaranka oo soo bandhigtay raashin la doonayay in la leexsado

by admin | Saturday, Jan 17, 2015

Muqdisho : HN :–Xeer ilaalinta Qaranka ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay labo gaari oo raashin gar gaar ah saarnaa, kaasoo loogu tala galay dadka dan yarta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, iyadoo raashinkaas mucaawinada lagu soo qabtay dad leexsaday.

Labada gaari ee saarnaa raashinka mucaawinada oo lagu soo bandhigay Saldhiga Booliska Xamar jajab ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir iyo kuxigeenkiisa Maxamed Xasan.

Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Maxamed Xasan ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen afar ruux ooraashin-4 isugu jira kuwii iibin rabay raashinka iyo dad iibsanayay, waxaana uu cadeeyay inuu baaritaan ku socdo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

“Waxaa loo soo qabtay raashinkaas cidii leexsatay iyo kuwii iibsanayay oo isugu jira afar ruux, waxaa baaritaan ku socda dad Mas’uuliyiin ah oo ku lug lahaa raashinkaas loo waday dadka dan yarta ah in la leexsado”ayuu yiri Maxamed Xasan.

Xafiiska ayaa siddoo kale sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan Raashin loo waday degmada Buulo Burde, kaasoo la leexsaday, waxaana uu intaa ku daray in aan marnaba la aqbali doonin in raashinka mucaawinada ee loogu tala galay shacabka laga leexsado.

“Guud ahaan dalka Soomaaliya la dagaalanka Musuq maasuqa waa uu ka bilowday, xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka waxaa uu hadda wadaa oo intooda badana gacanta lagu dhigay dad mas’uuliyiin iyo ganacsato isugu jira oo leexsaday Raashiinkii loogu talagalay dadka degan Buulo-Burte”ayuu yiri Avv. Abuukaate Maxamed Xasan.

Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa noqonaya tallaabadii u horeysay oo lagu soo bandhigo raashin gar gaar la leexsado, iyadoo horay u jireen raashin mucaawino ah oo aan la gaarsiin dadkii loogu tala galay, kuwaasoo suuqyada lagu iibsaday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!