Xeer ilaaliyah oo wasiirada uga digay inay galaan heshiisyo aan sharicaga dalka waafaqsaneyn

by Yahye | Saturday, Oct 18, 2014

Muqdisho; HN;- Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, ayaa ka hadlay heshiisyada ku aadan hantida qaranka ee ay galaan Wasiirada Xukuumadda ka tirsan.

Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in loo baahan yahay heshiis waliba oo uu galaayo nin Wasiir ah inuu ku saleeyo sharciga dalka u yaalo, maadaama lama huraan ay tahay dhaqangelinta sharciga dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inaysan suuragal aheyn in Wasiir xafiiskiisa ama Hoteelka uu degan yahay uu ku saxiixo hanti ka dhaxeysa umadda Soomaaliyeed, iyadoo uusan eegin sharciga iyo nidaamka dalka uga yaalo hantidaasi.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan heshiisyadii horay loo wada galay ee ku aadan hantida qaranka dalka in la dabagalaayo sharci ahaanshahooda.

Dhowr mar ayaa waxaa dhacday in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ay galaan heshiisyo ku aadan hanti qaran oo umadda ka dhaxeysa, balse go’aan ay kaga gaaraan si shaqsi ah, iyadoo Baarlamaanka aan la horgeyn.
Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!