Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sheegay in la baarayo safarkii wasiir Dhuxuloow

by admin | Tuesday, Dec 9, 2014

Muqdisho : HN :– Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa dalbaday in la soo cadeeyo in la soo caddeeyo sababta uu dalka uga baxay wasiirkii hore ee warfaafinta Mustaf Dhuxulow,kadib amar ka soo baxay xeer ilaalinta oo farayay wasiirrada inaysan dalka ka bixi karin.

Mustaf Dhuxulow ayaa ahaa wasiirkii warfaafinta xukuumaddii ra’iisul wasaare Cabdiweli oo ay maalmo ka hor kalsoonida kala noqdeenXeer ilaaliya baarlamaanka,waxaana la sheegay safar shaqsi ah inuu ugu baxay magaalada Dubai.

Safarka wasiirka xeer ilaalinta qaranka ayaa sheegtay inaysan ku qancin,waxaana Daahir uu sheegay in loo baahan yahay in lasoo caddeeyo sababta dhabta ah ee ka dambeysa in Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow uu dhoofo, waxaana uu shaaciyay in baaritaano ay iminka wadaan.

Hadalka xeer ilaaliyaha qaranka ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa iyadoo digreeto kasoo baxday xarunta madaxtooyada lagu sheegay in dhamaan wasiiradii,wasiiro kuxigeenadii iyo wasiiru dowlayaashii aynan ka amba bixi Karin dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!