Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo hanti-dhowrka guud ee dowladda oo maanta baarlamaanka hortagaya

by admin | Sunday, Dec 14, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa lagu waddaa in maanta ay baarlamaanka hortagaan xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo hanti-dhowr dowladda kaddib markii ay sidda dalbadeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la filayaa in labada mas’uul su’aalo la weydiiiyo.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir iyo Hanti dhowrka Guud Dr Nuur Faarax ayaa dhawaan soo saaray amar ay ku farayaan xubnaha gollaha wasiirrada xuuumada kalsoonida lagala noqday in aysan dalka ka dhoofi karin ilaa ay xilka wareejiyaan.

Sidoo kale waxaa todobaadkii hore lagu xeray amar ka soo baxay xeer ilaalinta iyo hanti dhowrka guud agaasimihii wasaarada Haweenkaxildhib iyo xuquuqul Insaanka, kadib markii lagu soo eedeeyay ku takri fal awoodeed.

Fadhiga baarlamaanka maanta ayaa waxaa hor yaalla  ajando dhowr ah kaddib  todobaadyo murano ka jiray mooshinkii laga keenay Ra’iisul Wasaarihii kalsoonida lagala laabtay, kaasoo ugu dambeyn Sabtidii la soo dhaafay la soo gaba gabeeyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku doodaya inay sharci daro tahay in Xeer Ilaalinta ay soo saaraan amar xakameynaya Wasiirada, isla markaana wasiir kasta uu xaq u leeyahay inuu xilka sii haayo inta xilka uu ka wareejinayo.

Inkastoo aan la ogeyn sida ay noqon doonto doodan, hadana lama oga in mooshinkan uu u xuubsiiban doono in cod loo qaado iyo in kale, waxaana dooda laga yaabaa inay noqoto mid xasaasi ah.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!