Xeer ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in wasiirrada amar la’aan dalka ka bixi karin

by admin | Sunday, Dec 7, 2014

Muqdisho : HN :– Kaddib markii maalintii shalay baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida uu kala noqday xukuumadii uu hogaaminayay ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed, ayaa war qoraal ah oo wadda jir uga soo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo hanti-dhowraha Qaranka, waxaa lagu amray wasiirrada ka tirsan xukuumada kalsoonida weysay amar la’aan dalka ka bixin karin.

“Amarka aan soo rognay waa mid aan ku doonayno inaan ku xaqiijinno sidii hantida Qaranka aanu shaqsi u haysan lahayn, mana dhihin wasiirrada maba ka bixi kartiin dalka, balse inta ay xilka ka wareejinayaan ayuu amarkan jiri doonaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Qoraal ay wadajir u soo saareen Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Hanti-dhowrka Guud ayaa lagu sheegay inaysan wasiirradaXeer_ilaaliyaha_Guud_ee_Qaranka xukuumaddii hore ka bixi karin dalka illaa inta ay xilalka wareejinayaan, iyadoo sidoo kale lagu xusay qoraalka lagu xusay in wasiirkii doonaya inuu dhoofo uu fasax kasoo qaato xafiiska madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale xafiisyada hanti-dhowrka guud iyo xeer-iilaalinta.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in ay jiraan wasiirro hore xilalka u waayay oo haddana iska heysta sidda uu hadalka u dhigay hantida Qaranka, taasoo aan aheyn sidda uu hadalka u dhigay arrin loo dul-qaadan karo.

“Waxaa jira wasiirro xilalka horay looga qaaday oo iska haystay hantidii uu Qaranka Soomaaliyeed lahaa, sababta aan xukunkan u soo rognayna waa in aanay taas oo kale dhicin,” ayuu yiri Daahir. Isagoo raaciyay. “Wasiirradii hore qaarkood ayaa weli iska haysta hantidii Qaranka, waxaana ka mid ah hantida ay haystaan gaadiidka aanay xabbaduhu karin.”

Warka ka soo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa ku soo beegmaya xili baarlamaanka Soomaaliya maalintii shalay cod aqlabiyad ah kalsoonidii kala noqday xukuuamadii ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!