Xeer ilaaliyaha Qaranka” waa in la sameeyaa guddi madax-banaan oo ka hor taga musuq-maasuqa

by wadani | Saturday, Dec 12, 2015

Muqdisho : HN :–Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay muhiim tahay in la magacaabo guddi madax-bannaan oo la-dagaallama musuq-maasuqa ka jira Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaallanka Musuq-maasuqa uu suuro-gelinayo ka hor-tagga musuq-maasuqa ka dhex-jira hey’adaha dowladda Somalia iyo in cadaaladda la horkeeno ciddii musuq lagu helo.

Axmed Cali Daahir ayaa inta ku darray in guddigan uu horseedi dooni in wax walba lagu dhaqo cadaaladda, wuxuunaAxmed_Cali_Dahir1-524x400 ku baaqay in hay’adaha xukuumadda federaalka Somalia ay xoogga saaraan in musuq-maasuqa lala dagaalammo.

“Hay’adaha ka shaqeynaya ama baaraya arrimaha la xiriira musuq-maasuqa waxaa muhiim ah inay noqdaan kuwa ka madax-banaan hay’adaha dowladda, sharciga inay raacaan. Wax-yaabaha kale ee u baahan in la sameeyo waxaa ka mid ah guddi madaxa-banaan oo musuq-maasuqa la dagaallama, waxaa kaloo muhiim ah in la sameeyo gudiga madaxa-bannaan ee garsoorka,” ayuu hadalkiisa ku daray Dr. Axmed Cali Daahir.

Hey’addaha Dowladda FS ayaa horay waxaa uga dhex-jiray dhaliil ku aadadn inay musuq-maasuq ku kaceen, inkastoo aysan jirin cid loo xukumay ama sharciga la horkeenay.

Ugu dambey, Soomaaliya ayaan lahayn Guddiyo la-dagaallama musuq-maasuqa, Waxayna safka hore Sannadihii lasoo dhaafay ay kaga jirtay waddamada ugu Musuq-maasuqa badan caalamka. Inkastoo madaxda dowladdu ay arrintaas si adag u beeniyeen.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!