Xiisad ka jirta magaalada Jowhar ee xarunta gobollka Shabeellaha dhexe

by Somali | Friday, Dec 7, 2012 | 1 views

Jowhar : HN :  Wararka laga hellayo magaalada Jowhar ee xarunta gobollka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xaasid ba’an ay saakay ka jirto gudaha degmada, kadib markii sida la sheegay ay daafaha degmada dhaq dhaqaaq ka bilaabeen ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM.

Dadka ku dhaqan magaalada Jowhar oo ay warbaahinta la hadashay ayaa sheegay in saakay inta badan xiran yihiin goobaha ganacsiga, dadkana dhagta kor ugu taagayaan sida saacadaha soo socda wax isku badalaan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM sahan ku tageen deegaannka ama koontaroolka Congo oo qiyaastii 5km u jira magaalada Jowhar, inkastoo ay dib ugu soo laabteen fariisimahoodii hore.

Sidoo kale, dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo ka soo baxay saldhig ay ku lahaayeen Jowhar ayaa la leeyahay waxaa ay soo gaareen meel duleedka ka ah Jowhar si ay uga hor tagaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Saraakiisah dowladda ee fadhigoodu yahay tuulada Qalimow ayaa warbaahinta u sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan gudaha ugu gali doonaan magaalada Jowhar, inkastoo aysan sheegin waqti rasmi ah.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!