Xiisad ka taagan magaalada Beledweyne kaddib dil maalintii shalay loogu geystay sarkaal ka tirsanaa UN-Ka

by admin | Sunday, Nov 15, 2015

Beledweyne : HN :–Xiisad ayaa ka taagan magaalada Beledweyne  kadib markii shalay ciidamada amniga magaalada Beledweyne ay dileen sarkaal u shaqeynayay hay’ada Mine Action ee gobolka Hiiraan.

Waxaa inta badan xirran ganacsiga magaalada Beledweyne  iyadoo lagu arkayo qaar kamid ah wadooyinka magaalada maleeshiyo beeleed ka soo jeeda sarkaalka gelinkii dambe ee shalay lagu diley magaalada Beledweyne.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisada iyadoo dadaaladaasna uu horkacayo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa lagu diley magaalada Beledweyne Mahdi Xasan Shiikhaal oo ka mid ah saraakiisha hay’ada Mine Action isagoo ku sii jeeda gurigiisa.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad ku beel ah sarkaalkan ay ka caroodeen dilkiisa waxayna xirteen qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!