Xiisad siyaasadeed oo ka dhax-taagan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya

by admin | Friday, Sep 4, 2015

Muqdisho : HN :– Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, taa oo ka dhalatay mooshinnada iska soo horjeeda ee loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka, kuwaa oo midna looga soo horjeedo madaxweynaha midna lagu taageersan yahay.

Xildhibaan Prof Max’ed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamanka, ayaa sheegay in dhibaato xoog leh ka dhax abuureen baarlamaanka mooshinnadan iska soo horjeeda, isaga oo ka digay in ugu danbeyntii arrintan ka dhalan-karto in xildhibannadu gacanta is kula tagaan.

Mudanayaasha baarlamaanka gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha ayaa ku doodaya in madaxweyne Xassan SheekhBaarlamanka1 adeegsanayo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka si meesha buuq  iyo jahwareer looga abuuro, iyaga oo intaa ku darray in siddaa aan madaxweyne lagu ahaan karin.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah mudanayaasha u boodaya mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha ayaa sheegay in hadda xaaladu mareyso hanjabaad iyo dil leysugu goodiyo, waxaana uu intaa raaciyay haddii aan madaxweynaha arrintiisa wax laga qaban in baarlamaankan sii jiri doonin laguna kala tagayo.

Ilaa iyo hadda waxaad moodaan in guddoonka baarlamaanka aysan saameyn muuqata ku laheyn siddii xiisada taagan loo xalin lahaa, waxaana jira xildhibaanno guddoonka ku eedeynaya go’aan xumidooda ku aadan meel marinta mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha ee loo gudbiyay bil ka hor.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!