Xiisada ka dhax oogan Galmudug iyo Puntland oo cirka isku sii shareertay

by admin | Saturday, Sep 27, 2014

Gaalkacyo : HN :– Waxaa sii kordhaya hadallada colaada xambaarsan oo ay warbaahinta isku marinayaan mas’uuliyiinta maamulada Galmudug iyo Puntland oo wadda maamula magaalada Gaalkacyo, kaddib Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid uu sheegay in aan la isticmaali doonin garoomada diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.

Isaga oo warbaahinta kula hadllayay magaalaada Gaalkacyo ayuu sheegay Cabdi Qeybdiid in ciidamada Galmudug tallaabo ka qaadiGaalkacyo22 doonaan diyaarad kasta oo isku deyda in ay soo caga-dhigto garoonka Gaalkacyo qeybta uu ka jiro maamulka Puntland.

Laakiin dhinaca kale wasiirrka warfaafinta maamulka Puntland C/wali Idha-guran ayaa ku eedeeyay Cabdi Qeybdiid uu colaad ka hurinayo magaalada Gaalkacyo, islamarkaana uu qaadi doono mas’uuliyada wax kasta oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo.

Dadka ku dhaqan magaalada Gaalkayo ayaa warbaahinta u sheegay in magaalada ay soo buux dhaafiyeen ciidammo ku hubeysan gadiidka dagaallka oo labada dhinac, waxaana jira baqdin dadka magaalada ay ka qabaa in dagaal dhaxmara labada dhinac.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!