Xiisada ka dhax oogan Puntland iyo Galmudug oo sii xoogeysatay

by admin | Thursday, Sep 25, 2014

Gaalkacyo : HN :– Kaddib markii dhawaan maamul gobolleedka Puntland wax xoogaa xariyaad ah ku sameeyeen garoon macmal ah oo maamul Galmudug ka sameeyeen dhinaca koonfurta magaalada gaalkacyo, ayaa waxaa sii kordhaya xiisada ka dhalatay arrintaa.

Mas’uul ka tirsan maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegay in ay weerar ku qaadi doonaan garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf ee W/qooyiga magaalada Gaalkacyo, kaddib markii sidda uu hadalka u dhigay Puntland iska dhaga-marisay in ay jawaab ka bixiso sababta keentay xayiraada ay ku sameeyeen garoonka Koonfurta Gaalkacyo.

“Annago ka jawaabeena xayirada ay Puntland ku soo rogtay garoonka diyaaradaha Galmudug,waq-tigii an u qabanayna uuGaalkacyo dhammaaday,waxaan u sheegayna inaysan jiri doonin wax diyaarad ah oo ka soo dagi doonta garoonka Cabdullaahi Yuusuf,”waxaana siddaa laga sheegay warbaahinta ku hadasha afka maamulka Galmudug.

Puntland ayaa dhinaceeda u muuqata mid ka sii diyaar-garoowday tallaabo ay qaado Galmudug ama ku soo weerarto dhinaca W/qooyiga Gaalkacyo, kaddib markii Gaalkacyo ay soo dhoobtay ciidammo aad u hubeysan.

Madaxda sare ee dowladda wax war ah kama aysan soo saarin hadallada ka soo yeeraya madaxda Galmudug oo ay ku sheegayaan inay weerarri doonan garoonka diyaarada Gaalkacyo ee Cadullaahi Yuusuf.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!