Xildhibaan Dalxa” darbiga ay dhiseyso Kenya waxaa uu abuuri karaa qal-qal siyaasadeed

by admin | Sunday, Jun 21, 2015

Muqdisho : HN :–Kaddib kulan maalintii shalay xildhibaannada baarlamaanka uga doodeen mooshin ka dhan ah mooshinka ay Kenya ka dhiseyso xuduuda ayaa waxaa qaar ka mid ah Xildhibaanada ku tilmaameen darbigaas inuu abuurayo khal khal siyaasadeed, mid amni, mid dhaqaale iyo mid bulsho oo ku kala yimaada labada dal.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ah Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay u arkaan darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda mid xadgudub ku ah qaranimada Soomaaliya, xadgudubna ku ah darisnimada iyo xiriirka labada dal ka dhaxeeya.

“Ujeedada Mooshinka Xildhibaanada ay u keeneen waxay tahay si ay u muujiyaan dareenka Shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ahDALXA darbigaas oo ay Kenya bilowday inay ka dhisto xuduuda beenaadka kala qeybiya labada dal, taasoo loo arkay inay wax u dhimeyso qaranimada, xadgudubna ku ah darisnimada, xiriirka labada dal ka dhaxeeyo, xilligan aan loo baahenyn inay Kenya ku dhaqaaqdo”ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa oo la hadlayay Idaacada BBC-da.

Waxaa uu sheegay in Caalamka ay gaarsiiyeen in darbigaas in aanu aheyn mid munaasib ah, isla markaana uu yahay mid xadgudub ku ah jiritaanka dadka Soomaaliyeed.

“Darbigaas wuxuu abuurayaa khal khal siyaasadeed, mid amni, mid bulshadeed iyo dhaqaale, maadaama dadka soomaaliyeed u arkaan inuu xadgudub ku yahay jiritaanka dadka Soomaaliyeed, darbiga wuxuu kala qeybinayaa xuduud aanay jirin, xurguf labada dal ka dhex jirto ayuu dib u soo nooleynayaa wax uu soo kordhinayo ma jirto”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa.

Xildhibaan Dhalxa ayaa sidoo kale heshiiskaas inay tahay marka hore haddii darbi la dhisayo in labada dal inay heshiis ku gaaraan oo ay ka arinsadaan, balse waxa hada Kenya wado uu yahay mid hal dhinac kaliya ah, oo ay dhaq dhaqaaqeeda wado Kenya kaliya sida uu yiri.

“Haddii uu Darbi wax soo kordhinayo horay ayaa loo arkay darbiga Falastiin ay Israel ka dhistay, dhibaatada uu abuuray waa la arkaa, darbigii Baarliin ee labadii Jarmal kala qeybinayay, Kenya waxa ay mar marsiiyo ka dhiganeyso waa nabadgelyada, Nabadgelyada waa mid ay labada dhinac u baahan inay si wada jir uga wada shaqeeyaan ayay danta ku jirtaa”ayuu mar kale yiri Xildhibaan Dhalxa.

Mar la weydiiyay in mooshinkan ay ka keeneen Xildhibaanada darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduuda inuu keeni karo inuu xumaado xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayuu tilmaamay in Kenya ay ficilka la timid, wixii dhacana ay Mas’uuliyadeeda leedahay Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay darbigaas ay uga gol leedahay, inay kaga hortagto weerarada uga imaanaya Al-Shabaab oo muddooyinkii u dambeeyay weeraro xiriir ah ku qaadayay gudaha Kenya.

Ugu danbeyntii haddii ay xildhibaannada isku raacaan mooshinka ka dhanka ah darbiga ay dhiseyso Kenya oo ay cod u qaadaan mooshinka laga keenay darbigaas, waxaa ay noqon kartaa tallaabo uu Baarlamaanka Soomaaliya u qaaday madax banaanida Qaranimada Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!