Xildhibaan Dalxa oo ka badbaaday isku day lagu khaarajin lahaa

by admin | Tuesday, Nov 11, 2014

Muqdisho : HN :– Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya kuwooda ugu fir fircoon ayaa goor dhaw ka badbaaday isku day la doonayay in lagu khaarajiyo kaddib markii kooxo hubeysan weerark u qaadeen.

Weerarkan ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in darawalka gaariga u waday Prof. Dhalxa uu ku dhintay, halka askar kale oo ilaalo u aheyd ay dhaawacmeen.

Dad ku sugnaa halka uu weerarka ka dhacay ee degmada Xamar jajab oo ku yaallo gurigiisa ayaa sheegay inay maqleen tacshiirad muddoProf_Dalxa_Keydmedia_Online_url-620x330 socotay oo ay is weydaarsanayeen dableydii weerarka ka dambeysay iyo ilaaladii Xildhibaanka.

Xaalada caafimaad ee Prof. Dhalxa ayaa la sheegay inay wanaagsan tahay, waxaana weerarkan uu dhacay, xilli uu ku sii wajahnaa xarunta Golaha shacabka oo shir uga furmaya Xildhibaanada Baarlamaanka.

Sanadkan gudihiisa ayaa waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho ilaa shan Xildhibaan, iyadoo weerarada lagu qaarijiyay xildhibaanada ay isku ekaayeen qaababka loo fulinayay oo ahaa dabley ku hubeysan qoryaha fudud oo gaadiid wata.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!