Xildhibaan Goodax” mooshinka ma’aha mid si sahal ah looga gudbin karo

by admin | Saturday, Sep 26, 2015

Muqdisho : HN :–Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah xildhibaannada hogaaminaya mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa siweyn ugu gacan-seyray hadalkii ka soo yeeray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cimaan Jawaari oo sheegay in la tuuray sidda uu hadalka u dhigay mooshinkii ka dhanka ahaa madaxweynaha.Goodax

Xildhibaan Goodax, ayaa hadalka guddoomiyaha ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah Qarannimada, madaama ayuu yiri mooshinkani yahay mid ka turjumaya masiirka umadda Soomaaliya, waxaana uu intaa ku darray in go’aanka guddoomiyahay yahay mid isaga iyo madaxweynaha oo kaliya ku kooban.

”Mooshinka ma’aha mid si sahal ah lagu dhaafi karo, waxaa xiran masiirka umadda Soomaaliyeed, sidda daraadeed wali waa uu taagan yahay, dhawaanna sharciga ayaa la waafajinayaa” ayuu yiri xildhibaan Goodax.

Go’aanka maalintii shalay uu soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka, ayuu ku tilmaamay mid aysan u dhameyn xubnaha guddoonka, hasse ahaatee Prof Jawaari iyo madaxweynaha ka wadda shakeeysteen arrintaa.

”Guddoonka baarlamaanka waa laga been abuurtay waxba kama oga go’aanka uu guddoomiyaha baarlamaanka qaatay mooshinka, waxaana muuqata in guddoomiyuhu uu dhinac la saftay kana baxay dhax-dhaxaadnimadii” ayuu yiri xildhibaan Goodax.

Ugu danbeyntii waxaa uu sheegay in dhawaan Baraha Bulshada ay ku faafin doonaan cadeymo dhab ah oo la xiriira eedeymaha ay u jeedinayaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!