Xildhibaan Iidle; Axmed Madoobe ha joojiyo xasuuqa lagu hayo dadka aan beeshiisa ahayn

by Yahye | Tuesday, Jan 13, 2015

Muqdisho; HN;- Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, oo ka soo jeeda Jubbooyinka ayaa ugu baaqay Hogaamiyaha maamulka Jubaland

Axmed Madoobe inuu joojiyo Gumaadka ka dhanka ah Shacabka.

Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi Xeroow, ayaa ka hadlay Dilalka Joogtada ah ee ka dhacaya Kismaayo, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsanayo Beelaha aan ahayn Beesha Axmed Madoobe oo hadda xukunka haysa.

“Xaaladda Kismaayo waxay maraysan Meel aad Khatar u ah, waxay qarka u saaran tahay inay Shacabka ka barakacaan, sababo la xariira Dilalka Joogtada ah ee ay geysanayaan Kooxda Axmed Madoobe,” ayuu yiri Xildhibaanka.

Wuxuu kaloo tilmaamay in Kismaayo Dadka ku nool aysan helin Maamul Cadaalad ah oo si Guud ugu shaqeeya, isagoo carabka ku dhuftay in Maamulkii Al shabaab uga fiicnaa kan Axmed Madoobe ee beegsanaya Waxgaradka, Odayaasha & Ganacsatada Beelaha kale ee diidan Maamulkiisa.

Hadalka Xildhibaanka, ayaa yimid markii Labo Maalmood uu isku xigtay laga helay Xeebta Kismaayo Meydadka Dad gaaraya 4-qofood oo Jirkooda ay ka muuqatay Rasaas lagu dilay, iyadoo Dadkaasina ay ku jirtay Haweeney uur lahayd.

Dadka la dilay waxay maamulka Axmed Madoobe kasoo qabteen Habeenkii Sabtida Xaafadda Guulwade, oo Galabtaasi Qarax 3 Sarkaal ku dhimatay lagula eegtay Gaari ay wateen.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!