Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo la dhaacwacay

by admin | Thursday, Dec 4, 2014

Muqdisho : HN :– Kooxo hubeysan oo la socday gaari ayaa saakay weerar ku qaaday gaari uu la socday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Mayow Mustaf, kaasoo weerarka uu ka soo gaaray dhaawac culus, halka siddoo kale isla goobtaas ku geeriyoodeen saddex ruux oo gaariga la saarnaa.

C/qaadir Max’ed C/qaadir guddoomiyaha degmada Xamar-weyne ayaa warbaahinta u sheegay in Xildhibaanka iyo ruux kale oo dhaawacBREAKIN qabay ay u qaadeen Isbitaalka

“Markii ay rasaasta dhacday durbadiiba waa ku soo baxnay afar ruux oo mid Xildhibaan uu ahaa ayaa waxaa weeraray kooxo gaari wadatay, waxaa goobta ka qaadnay xildhibaanka iyo ruux kale oo dhaawac ahaa”ayuu yiri Gudoomiyaha Xamar weyne.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale weerarkaas uu ku dhintay nin horay Xildhibaan u ahaan jiray oo lagu magacaabi jiray Liibaan C/llaahi Nuur, kaasoo ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa.

Kooxihii hubeysnaa ayaa la sheegay inay gaarigii ay wateen ku baxsadeen, waxaana daba ceyrsaday ciidan kale oo goobta ka ag dhowaa, kuwaasoo rasaas ku furay sida ay dad goob joogayaal ay sheegeen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!