Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo goor dhaw lagu dillay Muqdisho

by admin | Saturday, Jul 25, 2015

Muqdisho : HN :–Rag hubeysan ayaa goor dhaw magaalada caasimada ah ee Muqdisho ku dillay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray  C/llaahi Xuseen Maxamuud Muuse Bantu.

Kooxo hubeysan ayaa dilay Xildhibaanka, kuwaasoo baxsaday, iyadoo xilka loo dMuqdisho_Somalia_Caasimadda_HOLhaariyay inta lagu jiro kal-fadhiyan lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii Aabbihiis Xuseen Bantu oo xildhibaan ahaa uu ku geeriyooday Muqdisho.

Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in xildhibaanka ay dileen xoogaggooda ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo ku goodiyay inay toogan doonaan xildhibaanno kale oo Baarlamaanka Somalia ka tirsan.

“Waxaa dilka xildhibaankan fuliyay Ciidamadeena ku sugan Muqdisho, waan sii wadaynaa beegsiga xildhibaannada baarlamaanka Somalia oo dhan, waayo waxay faafiyeen sharciyo aan ahayn kuwa Islaamka,” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Al-shabaab.

Dableyda dilka Xildhibaanka Geystay ayaa la sheegay inay wateen gaari markii dilku uu dhacayna ay goobta ka baxsadeen, mana jirto cid loo qabtay dilkiisa, iyadoo Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia aysan weli wax war ah kasoo saarin dilka xildhinaankan.

Sidoo kale, dilka Mudanahan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay saaka ku toogteen degmada Dharkeynley Sarkaal ka tirsanaa Xafiiska RW Somalia.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!