Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka badbaaday isku day dil

by admin | Sunday, Oct 26, 2014

Muqdisho : HN :– Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta isku day dil ka bad baaday, kadib markii gaari uu saarnaa ay rasaas ku fureen dabley hubeysan oo iyana gaari kale wadatay.

Xildhibaanka la weeraray oo lagu magacaabo C/llaahi Rooble ayaa ahaa nidaamiyaha Baarlamaanka, waxaana lagu rasaaseeyay xaafada Taleex ee degmada Hodan, xilli uu ka soo baxay hotel uu degenaa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Ilaalada hotelka uu degenaa Xildhibaanka ay ka caabiyeen, dableydii rasaasta ku furay, kadibna ayBaarlamaanka-Federaalka baxsadeen.

“Xildhibaanka gaarigiisa oo dhan muraayadaha ayaa ka daatay, niman dabley ayay ahaayeen oo dareys ciidan watay, ilaalo ka tirsan Hotelka ayaa xabadeeyay oo ka caabiyay”ayuu yiri qof goob jooge ahaa oo diiday in magaciisa la xigto.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in dhaawac fudud oo ahaa muraayadihii gaariga ka daatay ay waxyeelo u geysteen, sida uu ii xaqiijiyay howl wadeen ka tirsan Baarlamaanka.

Sanadkan gudihiis ayaa waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho ilaa shan xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka, iyadoo dilalkaas ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-Shabaab.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!