Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

by wadani | Wednesday, Dec 2, 2015

Muqdisho : HN :–Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Sadiiq C/kariin Maxamed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, kaddib xunuun waayadii ugu danbeeyayba uu la il-darnaa xildhibaanka.

Mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Maxamed Cumar ayaa warbaahinta u sheegay geerida xildhibaanka, isaga oo intaa ku darray in muddooyinkii ugu danbeeyayba uu xanuusanayay, ugu danbeyntiina uu maanta u geeriyooday.

Kulanka-Baarlamaanka-soomaaliya-allsomali24-comInkastoo aan dhab ahaan la sheegin xanuunka uu u geeriyooday xildhibaanka, haddana warbaahinta gudaha qaarkood ayaa sheegay in xildhibaanka uu la il-darnaa xanuunka Kasarka.

Ma’aha mudanihii ugu horeeyay ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee u geeriyoooday xanuun la soo darsay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!