Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu xirray Soomaaliland

by admin | Thursday, Jul 2, 2015

Boorama : HN :–Maamulka Soomaaliland ayaa xiray xildhibaan ka tirsan baarlamaanka faderaalka ah ee Soomaaliya,kuwaaso la sheegay si qarsoodi ah inay ku tageen magaalada Boorama.

Maxamuud Cali Saleebaan  oo ah guddoomiyaha degmada Boorama ayaa u xaqiijiyay warbaahinta xariga xildsagalhibaan ka tirsan baarlamaanka faderaalka Soomaaliya oo magaciisa lugu sheegay,Axmed Xuseen Xasan.

Soomaaliland waxaa ay ku eedeysay xildhibaanka sida qorsoodiga ah ku soo galay Boorama inuu ku kacay fal khiyaamo Qaran.

Xildhibaanka la xiray waxaa la sheegay inuu ka mid yahay mudanayaasha baarlamaanka ka soo galay gobollada waqooyiga ee dalka,walow Soomaaliland ay diidan-tahay in laga xukomo Soomaaliya.

Qofkii ka soo jeeda Soomaaliland ee xil ka qabta dowladda faderaalka xeerka ka yeella in lugu oogo khiyaamo qaran iyo in uu qaranka khiyaameeyey, waxaana mamnuuc  ah  in qof masuul ah oo ka tirsan Soomaaliya uu Somaliland yimaado, iyadoo inta badan la mustaafuriyo qof kii magaalooyinka Somailand lagu qabto ee xil ka haya dawladda Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!