Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka cusub oo ku geeriyooday Garoowe

by wadani | Monday, Nov 21, 2016

Garoowe : HN : -Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Aqalka hoose oo dhowaan lagu doortay magaalada Garoowe ayaa xalay xilli dabnbe geeriyooday.

Xildhibaanka oo lagu magaacaabi jiray Daahir Xaaji Geele. Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun degdeg oo Wadnaha uga soo booday markii uu isagoo xaaladiisa caadi tahay ay la joogeen asxaab kala duwan.

Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya inuu ka sheegtay xanuun Wadnaha ah, kadibna uu banaanka uga baxay Qolkii uu deganaa, basle isla markiiba ay naftu ka dhacday.

Xildhibaan marxuum Daahir Xaaji Geell wuxuu hore uga tirsanaa Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisu dhammaaday, isagoo xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 2009. Waxaana dhowaan loo doortay baarlamaanka cusub oo aan weli loo dhaarin.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!