Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Puntland oo lagu dilay Muqdisho

by admin | Saturday, Apr 18, 2015

Muqdisho : HN :–Warar soo baxaya ayaa sheegaya in goor dhaw oo maanta ah dabley ku dishay magaalada Muqdisho xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Puntland.

Xildhibaan Aadan Xaaji Xusseen oo ka tirsanaa baarlamaanka Puntland ayaa la sheegay in waayadii ugu danbeeyayba uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Dabley hubeysan oo wadatay gaari ayaa rasaas ku furay Xildhibaanka ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland, agagaarka Xaafada Taleexxildhibaan ee degmada Hodan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaankan la dilayay uu arrimo caafimaad u yimid magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa inuu la socday Xildhibaan kale oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Dilka ayaa noqonaya kii u horeeyay oo Muqdisho loogu geysto Xildhibaan ka tirsan Puntland, iyadoo sanadkan labo Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya lagu dilay Qarax ka dhacay Hotelka Central bishii Febraayo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!