Xildhibaan ku baaqay in Axmed Madoobe la soo xiro

by admin | Tuesday, Apr 21, 2015

Muqdisho : HN :– Mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa eedeyn kulul u jeediyay hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Max’ed Islaam [Axmed Madoobe] oo ay ku eedeeyeen in xasuuq ba’an ka geysanayo deegaannada Jubbooyinka.

Amiin Daahir Jeesoow oo ka mid ah xildhibaannnada baarlamaanka ayaa sheegay in wax loo dulqaadan karo aheyd sidda uu hadalka u dhigay xasuuqa Axmed Madoobe uu geysanayo deegaannada Jubbooyinka, waxaana uu ka dalbaday xeer ilaalinta guud ee Qaranka in la soo xiro Axmed Madoobe.

“Xeer Ilaalinta waa inay dacwad ku soo oogtaa oo ay soo xirtaa Axmed Madoobe, waxaa ka socda Jubooyinka looma dulqaadan karo,Xil_-Jeesow dadka la leynaya waa dadkeyga ee meydadkooda badda soo caarineyso mar walba”ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow.

Dhinaca kale waxaa uu si kulul ugu eedeeyay urur goboleedka IGAD iyo dowladda Itoobiya in ay gacantooda ku qoreen dastuurka ku-meel-gaarka ee uu hadda ku shaqeeyo Axmed Madoobe.

“In Gabre iyo Afey ay qol isku soo xiraan oo Dastuur sameeyaan taas ma ahan mid aan ogolaaneyno, anagaa Xildhibaankooda ah deegaankaas, mana ka yeeleyno, dastuur waa kan shacabka Soomaaliyeed ay ogol yihiin”ayuu si kulul u yiri Daahir Jeesow.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax jawaab ah oo uu ka soo saaray warka xildhibaanka hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!