Xildhibaan lagu dhaawacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya

by admin | Sunday, Mar 22, 2015

Nairobi : HN :–Mudane ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya lagana soo doorto deegaanka Nyatike, Edick Anyanga ayaa waxay kooxo hubeysan xalay ku dhaawaceen gurisiisa oo ku yaalla xarunta Kenya ee Nairobi.

Xildhibaannka ayaa waxaa gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Karen ee Nairobi ku weeraray afar nin oo hubeysan, kuwaasoo wajiyadu ay u qarsanaayeen, iyagoo xildhibaanka dhaawac halis ah u geystay

Dad ku sugnaa goobta ayaa warbaahinta u sheegay in xildhibaanka marka la tooganayay uu ku jiray gaarigiisa, kooxaha hubeysanna ayXildhibaan_lagu_dhaawacay_Nairobi gudaha gaariga ku toogteen, iyadoo xilligaas uu gaariga kula jiray darawalkiisii.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in dhaawacyo kasoo gaareen madaxa, garabka iyo mid ka mid ah gaacmihiisa, waxaana dhaawiciisa lagu daweynayaa Aga Khan Hospital oo ku yaalla bartamaha magaalada Nairobi.

“Aniga ayaa la hadlay xildhibaanka… xaaladdiisu way wanaagsanayd, balse dhakhaatiirta ayaa ii sheegay inay baaritaanno ku sameynayaa dhaawaca soo gaaray,” ayuu yiri mudane Nicholas Gumbo oo ka mid ah xubnaha baarlmaaanka Kenya.

Wuxuuna xildhibaankan intaas ku daray. “Ma doonayo inaan wax ka sheego arrintan illaa ay ciidanka booliisku warbixin kasoo saaraan baaritaannada ay haatan ku hayaan dhaawaca xildhibaanka.”

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa mudanaha kasoo saaray isbitaalka Karen oo markii hore la dhigay, iyagoo u soo wareejiyay Aga Khan Hospital. Iyadoo la sheegay in xalaaddiisu ay u muuqato mid wanaagsan.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka xildhibaanka lagu dhaawacay; waxaase tani ay qayb ka tahay falalka ammaan-darro ee Kenya ka dhacayay tan iyo markii ay ciidamadeeda u soo dirtay gudaha Somalia.

Ma’aha markii ugu horeysay oo kooxo hubeysan ay waxyeello ugu geystaan gudaha Kenya mudane ka tisran baarlamaanka dalkaas, iyadoo la xusuusto in bil ka hor lagu dilay Nairobi, xildhibaan lagu magacaabi jiray George Muchai.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!